Friday, February 13, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiir Mustafa Dhuxulow oo ka hadlay xil wareejintii Wasaarada Warfaafinta

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Wasiir Mustafa Dhuxulow oo ka hadlay xil wareejintii Wasaarada Warfaafinta
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirkii hore ee Wasaarada Warfaafinta Mudane Mustafa Sheekh Cali Dhuxulow oo ka hadlayey xil-wareejintii Wasaarada oo maanta Muqdisho ka dhacday ayaa yiri “Waxaan u mahadcelinayaa Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashid Cali Sharmarke oo maanta xafladii xil wareejinta ka soo qeybgalay, tanoo na tuseysa ahmiyada ay Dowladda siineyso Wasaarada Warfaafinta. Waxaan ka cudur daaranayaa inaan maanta idinla joogin Muqdisho oo aan safar ku maqanahay,hase yeeshee waxaan kalsooni buuxda siiyey Wasiir ku xigeenka oo maanta igu matalayey xafladda xil wareejinta.”

Wasiir Mustafa ayaa intaa raaciyey oo yiri “Waxaan u rajeynayaa Wasiirka cusub ee Wasaaradda Warfaafinta Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), Wasiiru Dowlaha iyo Wasiir ku xigeenka, maamulka iyo shaqaalaha wasaaradda guul iyo kheyr iyo inay sii dar-dargeliyaan dadaaladii socday ee horumarkinta Warbaahinta Dalka.”

Related posts

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo shir guddoomiyey shir muhiim ah oo ka dhacay.

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo shir guddoomiyey shir muhiim ah oo ka dhacay.

February 13, 2026
AU “Ma jirto cid awood u leh inay wax ka beddelaan qaab-dhismeedka dhuleed ee Soomaaliya”

AU “Ma jirto cid awood u leh inay wax ka beddelaan qaab-dhismeedka dhuleed ee Soomaaliya”

February 13, 2026

Sida warbixinta xil wareejinta lagu xusay muddadii 12ka bilood aheyd wax badan baa noo qabsoomay, iyadoo ay jireen caqabado fara badan. Waxaan marka hore u mahadcelinayaa maamulka iyo shaqaalaha wasaaradda oo si hagar la’aan ah iila shaqeeyey isla markaasna suurto geliyey inay wax badan noo qabsoomaan. Waxaana kula dardaarmayaa inay sidoo kale Wasiirka cusub ula shaqeeyaan oo howlaha qabyada noo ahaa iyo kuwo cusuba ay u hirgalaan.

Soomaaliya maanta waxey mareysaa marxalad adag oo nooga wada baahan inaan gacmaha isqabasano oo danta guud ka wada shaqeyno iyo sidii dalka loo gaarsiin lahaa doorashooyin xor ah.

Wasiir Mustafa ayaa hadalkiisa raaciyey oo yiri “Bacdamaa aan xilkii wasiirnimo maanta wareejiyey, waxaan waqtigeyga intiisa badan ku bixin doonaa sidii shacabka tabaaleysan, kuwa brakacay iyo qaxootiga soomaaliyeed ee meel waliba daadsan,dumarka,caruurta,naafada iyo kuwa aan heysan hooy iyo cunto aan u taageeri lahaa oo aan horay u sii wado howlaha xagga bani’aadamnimo.

Dhammaan hay’adaha gar-gaarka, ganacsatada Soomaaliyeed iyo dhammaan inta awoodo waxaan ka codsanayaa inay taageeraan dadkaas dhibaateysan si ay u helaan xaquuqdooda aasaasiga ah.

Waa inaan mudnaanta koowaad siinaa sidii aan u ilaalin laheyd Xaquuqda Bani’aadanimo ee shacabkeena, waana inaan u ololeynaa, una doodnaa sidii aan u joojin laheyn dhammaan tacadiyada lagu sameeyo xuquuqda muwaadiniinteena Soomaaliyeed. Waxaana iga go’an inaan kaalin mug leh ka qaato arrinkan badbaadada iyo joojinta tacadiyada xaquuql Insaanka.”

Wasiir Mustafa ayaa sheegay inuusan shaki uga jirin haddii si wadajir ah waajibaadka dastuuriga ah loo wada guto in la gaari doono horumar iyo barwaaqo. Wasiir Mustafa ayaa yiri “Dalkeena waa mid Qani ah oo leh dhammaan kheyraadka dabiiciga isla markaasna uu dalku ku yaalo meel istraateji u ah caalamka.

Si aan uga faa’iideysano kheyraadka dabiiciga ah ee ilaahey nagu maneeystay, waxaa muhiim ah inaan ka wada shaqeyno amniga iyo nabadeynta dalka, tanoo noo horseedi karta in shacabka Soomaaliyeed la gaarsiiyo adeegyada bulshada sida caafimaadka, waxbarashada iyo dhammaan adeegyada aasaasiga ah.

“Xukuumada cusub waxaa ku jira shaqsiyaad waayo aragnimo leh, dhalinyaro, gabdho, oo nooga baahan inaan siino fursad iyo kalsooni oo qof walba oo naga mid ah uu dooni lahaa in lagu taageero. Waa inaan fursad siinaa wasiirada cusub isla markaasna aan waayo aragnimadeena iyo aqoonteena ku biirino.

“Waxaan jeclaan lahaa inaan si gaar ah ugu mahadceliyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud, iyo Ra’iisul Wasaarihii hore Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed oo fursad ii siiyey inaan noqdo Wasiirka Warfaafinta & Hannuuninta Dadweynaha, waxaana hubaa inaan intii karaankeyga ah aan qabtay mudadaas, rajeynayana wasiirka iga danbeeya inuu sii kordhin doono dadaaladaas aan bilownay.

“Sidoo kale waxaan u mahadcelinayaa Madaxweynayaashii hore ee Sheekh Sharif iyo Cabdullahi Yusuf Axmed, Ra’iisul Wasaarayaashii hore Nur Xasan Xuseen (Nur Cadde) iyo Cumar Cabdirashid Cali Sharmaarke oo iyagana fursad ii siiyey xilal Wasiirnimo oo aan horey u soo qabtay sida Wasiirka Beeraha iyo Wasiirka Qorsheynta & Iskaashiga Caalamiga ah.

“Waxaan sidoo kale u mahadcelinayaa shacabka Soomaaliyeed, bulshada rayidka, iyo saaxiibadeen beesha caalamka oo aan la’aantood suurtogal noqoteen inaan sameyno horumarka baaxadda weyn leh ee Soomaaliya ay maalin walba ku tallaabsaneyso.

Wasiir Mustafa ayaa hadalkiisa ku soo gabogabeeyey “Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashid Cali Sharmarke oo aan horey u soo wada shaqeyneyna waxaan u rajeynayaa guul iyo horumar iyo inuu xilkiisa u guto si wanaagsan. Ra’iisul Wasaare Cumar waxaa laga qabaa rajo aad u weyn oo laga sugayaa inuu hoggaamiyo xukuumad midnimo qaran la timaada isla markaasna dardar gelisa barnaamijka hiigsiga 2016.

Arrimaha mudnaanta leh ayaa ah dib u eegista Dastuurka, dhaqangelinta nidaamka Federaalka iyo dimoqraadiyeynta dalka loogu diyaarinayo doorashooyinka 2016. Bacdamaa waqtiga harsan uu aad u yaryahay, howsha na wada hortaalana ay badan tahay waxaa habboon inaan si wadajir ah oo hagar la’aan ah ula shaqeyno Xukuumadda si ay ula timaado waxqabad dhab ah.

Previous Post

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo la kulmay Safiirka China u qaabilsan Soomaaliya”SAWIRRO”

Next Post

Arsenal oo Garoonkeeda Lagu Garaacay iyo Bayer Leverkusen oo Ka Adkaatay Atletico Madrid “SAWIRRO”

Next Post
Arsenal oo Garoonkeeda Lagu Garaacay iyo Bayer Leverkusen oo Ka Adkaatay Atletico Madrid “SAWIRRO”

Arsenal oo Garoonkeeda Lagu Garaacay iyo Bayer Leverkusen oo Ka Adkaatay Atletico Madrid “SAWIRRO”

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo shir guddoomiyey shir muhiim ah oo ka dhacay.

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo shir guddoomiyey shir muhiim ah oo ka dhacay.

February 13, 2026
0

Iyadoo ay socoto qabsoomidda Shir-Madaxeedka 39-aad ee Midowga Afrika, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

AU “Ma jirto cid awood u leh inay wax ka beddelaan qaab-dhismeedka dhuleed ee Soomaaliya”

AU “Ma jirto cid awood u leh inay wax ka beddelaan qaab-dhismeedka dhuleed ee Soomaaliya”

February 13, 2026
0

Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ayaa maalinimadii shalay cambaareeyay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland,iyagoo ku dhawaaqay in tallaabadaasi ay...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫e 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐚𝐲𝐛𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐁𝐚𝐚𝐥𝐟𝐮𝐫𝐤𝐚 𝐁𝐮𝐮𝐠𝐠𝐚 “𝐁𝐚𝐚𝐝𝐢𝐠𝐨𝐨𝐛𝐤𝐢𝐢 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐆𝐞𝐞𝐬𝐤𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚”

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫e 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐚𝐲𝐛𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐁𝐚𝐚𝐥𝐟𝐮𝐫𝐤𝐚 𝐁𝐮𝐮𝐠𝐠𝐚 “𝐁𝐚𝐚𝐝𝐢𝐠𝐨𝐨𝐛𝐤𝐢𝐢 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐆𝐞𝐞𝐬𝐤𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚”

February 12, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa caawa ka qaybgalay Baalfurka Buugga “Baadigoobkii Nabadda Geeska Afrika”,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Wafdi ka socday Boqortooyada Ingiriiska

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Wafdi ka socday Boqortooyada Ingiriiska

February 12, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qaabilay wafdi sare oo ka socday Boqortooyada Ingiriiska oo ay hoggaaminaysay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In