Wednesday, January 7, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiir Odawaa oo maanta la kulmay mas’uuliyiinta maamulka gobolka Banaadir “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Wasiir Odawaa oo maanta la kulmay mas’uuliyiinta maamulka gobolka Banaadir “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Mudane C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) oo ah Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka ayaa maanta ka qeybgalay kulan looga hadlayay ammaanka iyo horumarka caasimadda dalka kaasoo ka dhacay xarunta dowladda hoose ee Muqdisho.

Kulanka ayaa sidoo kale waxaa ka qeybgalay guddoomiye ku xigeenkada gobolka Banaadir, Agaasimayaasha dowladda Hoose iyo guddoomiyeyaasha 17-ka degmo ee Gobolka Banaadir.

Related posts

Taliska Booliska Oo Soo Saaray Digniin Ka Dhan Ah Been Abuur Ku Saabsan Imtixaanaadka Sanad Dugsiyeedka 2019/2020

Taliska Booliska oo war ka soo saaay fowdo ka dhacday Deyniile

January 7, 2026
Taliyaha Ciidanka xoogga dalka oo kormeeray deegaanka Gandershe

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka oo kormeeray deegaanka Gandershe

January 6, 2026

Intii uu socday kulanka ayaa looga hadlay arrimaha amniga, nadaafadda iyo horumarka, iyadoo si gaar ah Wasiirka ugala hadlay Mas’uuliyiinta gobolka horumarinta adeegyada  bulshada.

Ku simaha guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna guddoomiye ku xigeenka gobolka Maxamed Axmed Diiriye ayaa ugu horeyn uga warbixiyay Wasiirka Arrimaha gudaha waxyaabaha u qabsoomay maamulka, ee la xiriira dhinacyada amniga, nadaafadda,  iyo dhismayaasha wadooyinka.

Mudane C/raxmaan Maxamed Xuseen “Odawaa” ayaa bogaadiyay mas’uuliyiinta gobolka waxqabadka ay muujiyeen, isagoo xusay in dib loo dhisay wadooyin muhiim ah, sida wadada isku xirta Sayidka iyo Bakaaraha iyo tan Buulo Xuubey.

wasiir-0dawa-2 wasiir-0dawa-3 wasiir-0dawa-4 wasiir-0dawa-5 wasiir-0dawa-6 wasiir-0dawa-7 wasiir-0dawa-8

 

Previous Post

Madaxweynaha Galmudug oo xilka ka qaaday wasiirki Qorsheynta.

Next Post

Kulan looga hadlayay dib u eegista dastuurka oo lagu qabtay Muqdisho “SAWIRRO”

Next Post
Kulan looga hadlayay dib u eegista dastuurka oo lagu qabtay Muqdisho “SAWIRRO”

Kulan looga hadlayay dib u eegista dastuurka oo lagu qabtay Muqdisho "SAWIRRO"

Taliska Booliska Oo Soo Saaray Digniin Ka Dhan Ah Been Abuur Ku Saabsan Imtixaanaadka Sanad Dugsiyeedka 2019/2020

Taliska Booliska oo war ka soo saaay fowdo ka dhacday Deyniile

January 7, 2026
0

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed wuxuu Bulshada Soomaaliyeed u xaqiijinayaa in maanta oo ay Taariikhdu tahay 06-01-2026 Abaaro 10:55am Subaxnimo Xaafad...

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka oo kormeeray deegaanka Gandershe

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka oo kormeeray deegaanka Gandershe

January 6, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sareeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage ayaa booqasho shaqo ku tagay Degaanka Gandarshe oo Khawaarijta dhibaato weyn...

Guddoomiyaha Midowga Afrika iyo Wasiiru-dowlaha Arrimaha dibada Imaaraadka oo ka shiray qadiyadda Soomaaliya

Guddoomiyaha Midowga Afrika iyo Wasiiru-dowlaha Arrimaha dibada Imaaraadka oo ka shiray qadiyadda Soomaaliya

January 6, 2026
0

Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika, Maxamuud Cali Yuusuf, iyo Sheekh Shakhboot bin Nahyan Al Nahyan, Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda ee Isu-tagga Imaaraadka...

Golaha Nabadda ee Midowga Afrika oo si adag u cambaareeyay xadgudubka Israiil

Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika oo saaray bayaan ka dhan ah xadgudubka Israiiil ee dalkeenna

January 6, 2026
0

Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ayaa soo saaray bayaan ka kooban dhowr qodob. Goluhu wuxuu si adag uga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In