Friday, January 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiir Odowaa: Kulamadii Madaxweynaha ee B/weyne guul ayey ku soo dhamaadeen

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka, Wararka Raadiyahaa
0
Wasiir Odowaa: Kulamadii Madaxweynaha ee B/weyne guul ayey ku soo dhamaadeen
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka arrimaha gudaha iyo Fedaraalka ee Xukuumadda Soomaaliya  C/raxmaan Max’ed Xuseen Odowaa oo ka mid ahaa wafdiga Madaxweynaha jamhuuriyadda ee Sadaxdii maalmood ee la soo dhaafay ku sugnaa magaalada B/weyne ayaa sheegay in guul iyo is afgarad uu ku soo gabagaboobay socdaalkii Madaxweynaha ee gobolkaasi,

Waxaanu shir jaraa’id uu ku qabtay magaaladaasi ka hor inta uusan soo ambabixin uu wasiirku ku sheegay in kulamo kala duwan oo ay la yeesheen Odayaasha iyo waxgaraddka qabaa’ilada ku nool magaaladaasi ay isku afgarteen in la guda galo dhismaha maamulka loo samaynayo gobolada Hiiraan iyo Shabeelada dhexe,

Related posts

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda oo War-saxaafadeed soo saaray

January 29, 2026

Kaas oo wada hadalkiisu ka furmi doono Magaalada Jowhar ee gobolka shabeelada Dhexe, qaybihii bulshada ee ay la soo kulmeena lagu balamay in la isugu yimaado magaalada Jowhar si hawsha loo dadajiyo,

Waxaanu intaasi ku daray wasiir Odowaa, in la isla aqbalay Degreetadii uu ku soo saaray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya in Caasimadda Maamulka la dhisi doono ee Shabeelaha Dhexe iyo Hiiraan ay noqoto Degmada Buulabarde ee gobolka hiiraan, shirkana Jowhar lagu qaban doono.

Mudane C/raxmaan Max’ed Xuseen Odowaa Wasiirka arrimaha gudaha iyo fedaraalka, ayaa dhanka kale sheegay in socdaalkii madaxweynaha ee B/weyne uu sidoo kale qayb ka ahaa xalinta dagaal beeleedyadii ka dhacay  maalma ka hor magaaladaasi B/weyne,

Waxaanu sheegay in lagu guulaystay xalinta dagaaladaasi, qaybihii dagaalamayna ay wada aqbaleen xalinta wixii dhacay iyo in aaney dib u soo laaban, iyadoo ugu dambayn wafdiga Madaxweynaha isla maanta gilinkii dambe ay dib ugu soo laabteen Caasimadda Muqdisho kadib socdaal qaatay laba Habeen iyo Sadax maalin oo ay ku sugnaayeen magaalada B/weyne ee gobolka Hiiraan.

Previous Post

Danjire Jamaal oo Ka Qeyb Galay Munaasabad Lagu Weyneynayay Dhalashada Nabigeena Muxamed NNKH oo Lagu Qabtay Nairobi”Sawirro”

Next Post

Hay’ada Xuquuqda aadanaha oo ku Eedeysay Militariga Nageria in ay Xasuuq gaysteen

Next Post
Hay’ada Xuquuqda aadanaha oo ku Eedeysay Militariga Nageria in ay Xasuuq gaysteen

Hay'ada Xuquuqda aadanaha oo ku Eedeysay Militariga Nageria in ay Xasuuq gaysteen

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda oo War-saxaafadeed soo saaray

January 29, 2026
0

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda ee ka qeyb qaatay doorashada goleyaasha deegaanka ee Qof iyo Cod ayaa kulankooda maanta ka...

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

January 29, 2026
0

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada ayaa maanta oo taariikhdu tahay Jannaayo 29, 2026 wadatashi layeeshay ururrada siyaasadda. Kulankan...

Ergada Dowladda Soomaaliya ee QM oo kulan casho sharaf ah u sameeyay diblomaasiyiin

Ergada Dowladda Soomaaliya ee QM oo kulan casho sharaf ah u sameeyay diblomaasiyiin

January 29, 2026
0

Ergada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay ayaa munaasabad casho sharaf ah u qabatay Danjireyaasha iyo Diblomaasiyiinta ka howlgala Xarunta...

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

January 29, 2026
0

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo kaashanaya hay'adaha kala ah: Bangiga Dhexe ee Soomaaliya (CBS), Hay’adda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In