Tuesday, September 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiir Omaar oo xarunta (ICAO) ee Canada heshiis dhanka duulimaadyada Rayidka ah kula saxiixday Saldanada Cumaan+sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
7 years ago
in Wararka
0
Wasiir Omaar oo xarunta (ICAO) ee Canada heshiis dhanka duulimaadyada Rayidka ah kula saxiixday Saldanada Cumaan+sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Salaad(Oomaar) oo la Hadley Wakaaladda(SONNA) isagoo ku sugan dalka Canada ayaa sheegay in heshiis muhiim ah ay la galeen madax ka socotay dalka Cumaan,kuwaasi oo qeyb ka ahaa shirka Caalamiga ah ee Hayโ€™adda Duulista Hawadda Adduunka ee (ICAO).

Wasiir Oomaar oo uu wehliyo Maareeyaha Hayโ€™adda Duulista Hawada ee Soomaaliya Mudane Axmed Macalin Waxay Heshiis is afgarad ah la galeen wafdiga Hayโ€™ada Duulista Hawada ee Saldanada Cumaan,waxayna isku afgarteen isku socodka duulimaadyada Labada dal iyo Horumarinta Arrimaha duulimaadka rayidka (Civil Avation) ee labada dal.

Related posts

Munaasabad lagu abaal marinayey dad bulshadooda si hufan ugu adeegay oo lagu qabtay Canada

Munaasabad lagu abaal marinayey dad bulshadooda si hufan ugu adeegay oo lagu qabtay Canada

September 28, 2026
๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐ญ๐š๐›๐š๐›๐š๐ซ ๐ฎ๐ฌ๐จ๐จ ๐ฑ๐ข๐ซ๐ž๐ฒ ๐ƒ๐ฎ๐Ÿ๐œ๐š๐๐๐ข๐ข ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐‚๐ข๐ข๐๐š๐ง๐ค๐š ๐Š๐ฎ๐ฆ๐š๐š๐ง๐๐จ๐จ๐ฌ๐ค๐š ๐ƒ๐š๐ง๐š๐›ย 

Heshiiskaasi ayaa wuxuu bar bar socday Shirkii uga socday wadamada adduunka ee xubnaha ka ah Hayโ€™adda Duulista Hawada ee Caalamka (ICAO) Magaalada Monterial ee Dalka Canada,kaasi oo galay wejigiisii labaad oo ah doorashada qeybaha 1aad iyo 2aad wadamada xubinta ka noqonaya guddiga joogtada ah ee 3da sano ee soo socota.

Soomaaliya waxaa shirkaais u matalayay mudane Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar) wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Mudane Maxamed C/laahi Salaad (Oomaar) iyo wafdigiisa ayaa markii ay codeyntu dhamaatay ka dib waxa ay kulamo gooni gooni ah la yeesheen qaar kamid ah wafuudii dowladaha caalamka uga qeybgashey shirkaasi Caalamiga ah,isagoo kala hadlay arrimo badan oo ay kamid yihiin xoojinta wadashaqeynta iyo xiriirka kala dhexeeya Soomaaliya dalalkaasi.

Wafuudda uu la kulmay Wasiir Oomaar ayaa waxaa ay kala yihiin Wadamada Germany, Saudi Arabia, Turkey, South Africa, Qatar, Malaysia iyo Urur goboleedyada Duulista Hawada ee Jaamacada Carabta (ACAO) iyo kan Africa ee AFCAC.

Shirkan oo ahmiyad gaar ah u leh Dawladda Federaalka Soomaaliya ayey Masโ€™uuliyiinta Dawladaha Caalamka waxay bogaadiyeen sida Hufnaanta leh oo ay Dawladda Federaalka Soomaaliya ay u hanatay Maamulidda Hawadeeda,taasi oo ay ku mutaysatay in ay Madaxda Dawladaha bogaadin u muujiyaan Madaxda Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Wasiir Oomaar iyo dadkii kala shaqeeyey ee Wasaaradiisa,oo dadaalkooda aan hagarta laheyn lagu gaarey Guusha maanta la hantay.

Guusha ugu weyn ayaa ah in Soomaaliya ay hataan si rasmi ah u maamuleyso hawadeeda,muddo ka badan 25 sano kadib,tan iyo burburkii,taasi oo ku timid dadaal ay sameysay dowladda Federaalka Soomaaliya.

Previous Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post

Turkey to help in the reconstruction of Somaliaโ€™s postal service

Next Post
Turkey to help in the reconstruction of Somaliaโ€™s postal service

Turkey to help in the reconstruction of Somaliaโ€™s postal service

Munaasabad lagu abaal marinayey dad bulshadooda si hufan ugu adeegay oo lagu qabtay Canada

Munaasabad lagu abaal marinayey dad bulshadooda si hufan ugu adeegay oo lagu qabtay Canada

September 28, 2026
0

Magaalada Edmonton gobolka Alberta ee dalka Canada ayaa waxaa lagu qabtay munaasabad aad u ballaaran oo ay kasoo qeybgaleen Aqoonyahanno...

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐ญ๐š๐›๐š๐›๐š๐ซ ๐ฎ๐ฌ๐จ๐จ ๐ฑ๐ข๐ซ๐ž๐ฒ ๐ƒ๐ฎ๐Ÿ๐œ๐š๐๐๐ข๐ข ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐‚๐ข๐ข๐๐š๐ง๐ค๐š ๐Š๐ฎ๐ฆ๐š๐š๐ง๐๐จ๐จ๐ฌ๐ค๐š ๐ƒ๐š๐ง๐š๐›ย 

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐ญ๐š๐›๐š๐›๐š๐ซ ๐ฎ๐ฌ๐จ๐จ ๐ฑ๐ข๐ซ๐ž๐ฒ ๐ƒ๐ฎ๐Ÿ๐œ๐š๐๐๐ข๐ข ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐‚๐ข๐ข๐๐š๐ง๐ค๐š ๐Š๐ฎ๐ฆ๐š๐š๐ง๐๐จ๐จ๐ฌ๐ค๐š ๐ƒ๐š๐ง๐š๐›ย 

September 28, 2026
0

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa Dugsiga Tababarka Shahiid G/le Xasan Tuure tababar ugu soo...

Guddoomiyaha Hayโ€™adda SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Badda

Guddoomiyaha Hayโ€™adda SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Badda

September 28, 2026
0

Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta Xarunta Hayโ€™adda kulan kula qaatay Taliyaha Ciidanka...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo lagu qabtay Degmada Guriceel

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo lagu qabtay Degmada Guriceel

September 28, 2026
0

Waxaa Degmada Guriceel ka qabsoomay kulan iyo olole ballaaran oo lagu taageerayey musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran ee u taagan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In