Sunday, July 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirada Arrimaha dibadda jaamacada carabta oo soo dhaweeyay shir lagu taageerayo waxbarashada soomaaliya

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Wasiirada Arrimaha dibadda jaamacada carabta oo soo dhaweeyay shir lagu taageerayo waxbarashada soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Golaha Wasiirada arrimaha dibadda ee jaamacadda carabta oo maalinimadii shalay ku yeeshay Magaalada qaahira ee wadanka Masar kulankoodii 146 aad ayaa soo dhaweeyay go,aanka dowladda kuweit ay ku martigelineyso horaanta sanadka 2017 shir lagu taageerayo horumarinta Waxbarashada Soomaaliya.

Wasiirada arrimaha dibadda ayaa gabagabada shirkooda waxay kaga dalbadeen Dowlaha carabta gaar ahaan wasaaradaha waxbarashada in ay kaalin buuxda ka qaataan sidii dowladda Soomaaliya looga taageeri lahaa  kor u qaadista tayada Waxbarasha iyo sidii Manaahijta iskuulada looga dhigi lahaa carabi.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta oo kormeeray goobaha adeegyada dalxiisayaasha ee Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde

Wasiirka Warfaafinta oo kormeeray goobaha adeegyada dalxiisayaasha ee Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde

July 25, 2026
Wasiirka Warfaafinta XFS oo kormeeray Dekadda Muqdisho

Wasiirka Warfaafinta XFS oo kormeeray Dekadda Muqdisho

July 25, 2026

Golaha Wasiirada ayaa bogaadiyey dadaalada iyo taageerada Carbeed ee xilligaan soconaya ee laga gaaray dhinacyada amniga ,horumarinta, gargaarka bani,aadinimo, dib u dhiska iyo sare u qaadista tayada hay’adaha dowladda gaar ahaan ciidamada soomaaliya.

Wasiirada arrimaha dibadda ayaa sidoo kale waxay ugu baaqeen hay’adaha , sanduuqyada iyo Golayaasha Wasiirada Wadamada Carabata inay taageero u fidiyaan Dowladda soomaaliya iyo sidii dhibaatada looga qaadi lahaa shacabka soomaaliyeed oo in muddo ah burbur ku jiray.

Golaha Wasiirada ayaa sidoo kale kulankoodii waxay ku soo dhaweyeen horumarada Dowladda soomaaliya ay ka gaartay arrimaha la xiriira dib u heshiisiinta,soo nooleynta iyo dib u howlgelinta hay’adaha Dowladda, waxayna aad u bogaadiyeen dadaalada Ciidamada Midowga Africa oo iyagu taageera siiya Ciidamada Dowlada soomaaliya sidii loo ilaalin lahaa amaanka iyo xasiloonida wadanka.

Ugu danbeyn Golaha yaa aad u cambaareeyay dhammaan ficilada gurracan ee ay ku kacaan kooxaha argagixisada,kuwaasoo beegsada Xarumaha Dowladda ,Ciidamada Midowga Africa, iyo shacabka soomaaliyeed,waxayna ugu baaqeen Dowlaha Xubnaha ka ah jaamacadda Carabta inay Dowlada Soomaaliya ka taageeraan dhanka siyaasada iyo dhaqaalaha.

W/D:-IBRAHIM AZHARI

Previous Post

Procurement of Consulting Services – Firm Selection, Human Resource Audit

Next Post

Legal Advisor

Next Post

Legal Advisor

Wasiirka Warfaafinta oo kormeeray goobaha adeegyada dalxiisayaasha ee Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde

Wasiirka Warfaafinta oo kormeeray goobaha adeegyada dalxiisayaasha ee Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde

July 25, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud ayaa maanta booqasho shaqo ku tagay Garoonka diyaaradaha Caalamiga...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo kormeeray Dekadda Muqdisho

Wasiirka Warfaafinta XFS oo kormeeray Dekadda Muqdisho

July 25, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud, ayaa booqasho shaqo ku tagay Dekedda Muqdisho, halkaas oo uu...

Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo Soo Bandhigtay Waxqabadka Afarta Sano ee Diblomaasiyadda Soomaaliya

Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo Soo Bandhigtay Waxqabadka Afarta Sano ee Diblomaasiyadda Soomaaliya

July 25, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa maanta...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, oo la kulmay Wakiilka Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ee Soomaaliya

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, oo la kulmay Wakiilka Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ee Soomaaliya

July 25, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta kulan la yeeshay Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In