Monday, September 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo Dhuusamareeb ka furay shirka Wadatashiga horumarinta Amniga

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo Dhuusamareeb ka furay shirka Wadatashiga horumarinta Amniga
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta Dhuusamareeb ka furay shirka sanadlaha ah ee Wadatashiga Horumarka Amniga, kaas oo ay ka qeyb galayaan Wasaaradadaha Amniga iyo talisyada Booliiska dowladda Federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah.

Shirkan ayaa waxaa looga wada hadlayaa arrimo muhiim ah oo ay kamid yihiin, Mashruuca Wadajirka Booliiska (JPP-2), Sharciga Booliiska Soomaaliya, Qorshaha Istiraatijyada Amniga Gudaha, iyo bixitaanka ATMIS.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

September 27, 2026

Wasiirka Amniga Gudaha, ayaa sheegay in shirkani uu yahay mid lagu xaqiijinayo sidii ay Soomaaliya u gaari lahayd nabad iyo xasillooni waarta, isla markaana loo xaqiijin lahaa qorshayaasha muhiimka u ah gaarista nabad waarta.

β€œIskaashiga iyo wadajirka Wasaaradaha Amniga iyo talisyada Booliiska ee labada heer, waa muhiim, si loo gaaro hadafyada amniga ee Qaranka, waxaan rajeynayaa natiijooyin wax ku ool ah oo kor u qaadaya amniga iyo nabadda Soomaaliya in shirka ay ka soo baxaan”. Ayuu yiri Wasiirka Amniga oo furitaanka shirka ka hadlayey.

Shirka sanadlaha ah ee wadatashiga horumarka amniga, ayaa waxaa sidoo kale hadallo ka jeediyey Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid, Wasiirrada Amniga ee Dowlad-goboleedyada iyo saraakiil ka tirsan Booliiska.

Qodobada lagu falanqeyn doono shirka, isla markaana laga soo saari doono go’aamada ku habboon, shirkan oo soconaya 19 – 20 May 2024, ayaa waxaa ka mid ah:

  1. Mashruuca Wadajirka Booliiska (JPP-2).
  2. Sharciga Boliiska Soomaaliya.
  3. Qorshaha Istiraatijyadda Amniga gudaha.
  4. Mashruuca BASIS.
  5. Nooca cusub ee Boliiska (New Policing Model).
  6. Hirgelinta qoondada qeybinta 40,000 Boliiska labada heer.
  7. Qorshaha xasilinta goobaha la xoreeyay.
  8. Bixitaanka ATMIS kadib (Post ATMIS).
  9. Qorshaha hawlgalka cusub ee ATMIS kadib.

Previous Post

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo la kulmay Ku-xigeenka Wakiilka Qaramada Midoobe ee Soomaaliya

Next Post

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo qaabilay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

Next Post
Wasiirka Arrimaha Gudaha oo qaabilay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo qaabilay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland, ayaa diyaarisay 10 matoor oo...

π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

September 27, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda...

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

September 27, 2026
0

Xubno ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka ee JSP ayaa ololaha doorashada ka sameeyay xarunta Dugsiga Sare ee Mudug, iyagoo...

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

September 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dable Xoogga Cabdi Aadan Ibraahim oo lagu naaneyso β€œSoddon” , ayaa lagu eedeeyey Dilka Marxuum Yuusuf Axmed Cabdi oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In