Kormeerkan oo uu Wasiirka Amniga Dowladda Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Islow Ducaale ku kala Bixiyey Qaarka Mid Saldhigyadda Dagmooyinka Gobolka Banaadir iyo Kontarooladda Haโyaddaha Amnigu ay ku leeyihiin Wadooyinka Xamar laga soo galo ee Xeradda Maslax oo lagu baaro gaadiidka kuso safra waddada dheer ee isku xirta Gobolka Banaadir iyo Shabeeladda dhexe iyo kontoroolka Ceelasha Biyaha oo asna lagu kontaroolo gadiidka ka yimaada Gobolka shabeeladda hoose sidoo kalana wasiirku waxa uu kormeerkan ku tagey Xaafadda Daaruโsalaam oo Muqdisho dhanka koonfureed uga beegan 10-km
Socdaalkan oo uu wasirka Amniga Mudane Maxamed Abuukar Islow Ducaale ku ogaanayey sidda Ciidamaddu Amniga Magaaladda Muqdisho Gaarka uga hayaan ayaa kontarooladii uu socdaalka ku tagey ku xog wareysanaayey Nolosha Ciidamadda iyo Sida ay u hubiyaan Dadka iyo gaadiidkaย kontaroolada ay joogaan soo mara.
Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa intii Kormeerkiisa howleed oo uu bilaabey 1-dii saqda dhexe ee xaley uu ku guda jirey ayaa sidoo kale booqday Saldhigyadda Ciidamadda Booliska ay ku leeyihiin Degmooyinka kala Ah Yaaqshiid.Hodan.Hoolwadaag.Dherkinley.Wadajir.iyo Saldhin ku yaala Bartamaha Suuqa Bakaaraha oo ay Ciidamadu ugu kuurgalayaan Nabad-galyadda Ganacsiga Suuqaas.waxa uuna Wasiirku Talisyadda Degmooyinka uu kormeerey ka dhageysanaayey Howlaha Shacabka ay u hayaan iyo waxyaabaha ka dhiman dhameystirka shaqooyinkooda.
Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Amniga Maxamed Abuukar Islow Ducaaleย ayaa Munaasabadi Xilka uu kula wareegayey oo dhacday Maalin ka horย ka sheegey in uu la imaanayo Qorshe cusub ooย wax looga qabanayo Amniga guud ee dalka iyo kan Magaalada ย Muqdisho.