Thursday, April 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Amniga Soomaaliya iyo R/wasaaraha Qatar oo ku kulmay Doha

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Amniga Soomaaliya iyo R/wasaaraha Qatar oo ku kulmay Doha
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Amniga Soomaaliya ayaa caasimadda dalka Qatar ee Doha kula kulmay Ra’iisul wasaaraha Qatar Sheekh Abdullah Bin Nasser  Bin Khalifa Al Thani.

Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay amniga gobolka gaar ahaan dagaalka ay Soomaaliya kula jirto argagixisada iyo sidii dowladda Qatar ay uga geysan lahayd gacan xooggan, iyadoo la taageerayo hey’adaha Sirdoonka iyo nabaddeynta dalka.

Related posts

Guddiga doorashooyinka oo Galmudug ka bixinaya kaararka cod-bixiyaasha

Guddiga doorashooyinka oo Galmudug ka bixinaya kaararka cod-bixiyaasha

April 1, 2026
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo booqday Isbitaalka Benaadir

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo booqday Isbitaalka Benaadir

April 1, 2026

Maxamed Abuukar Isloow (Ducaale) wasiirka Amniga Qaranka Soomaaliya, ayaa warbixin ka siiyey Ra’iisul wasaaraha Qatar dhacdooyinkii foosha xummaa ee dhacay 14-kii October iyo 28-kii bishaas  ee ay argagixisada ku gummaadeen dad maato ah, waxa uu sheegay in hey’adaha Amniga Soomaaliya ay dedaal xooggan ugu jiraan sidii loo hirgelin lahaa Istaraatiijiyad ay nabad-diidku uga caaganaan doonaan caasimadda, si xasillooni buuxda loo gaaro.

Ra’iisul wasaaraha Qatar Sheekh Abdullah Bin Nasser  Bin Khalifa Al Thani, ayaa wasiirka Amniga uga tacsiyeeyey dhibaatadii dalka ka dhacdey, waxa uu ballanqaadey in dowladda Qatar ay diyaar u tahay taageero dhaqaale iyo mid lagy xoojinayo hey’adaha amniga Soomaaliya si muuqatana ay uga qeyb-qaadaneyso ciribtirka Al-shabaab.

Wasiirka Amniga Soomaaliya ayaa inta uu Doha jooga la kulmay guddoomiyaha guud ee Amniga Qatar oo ay isla garteen arrimo ay ka mid yihiin in meel cad  looga soo wada jeesto dhibaatada gobolka ay ku hayaan kooxaha argagixisada ah.

Previous Post

Shir ku saabsan maalgelinta Tamarta Dalka oo ka furmay Muqdisho+Sawiro

Next Post

Madaxweyne Farmaajo oo Booqday Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga+Sawirro

Next Post
Madaxweyne Farmaajo oo Booqday Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga+Sawirro

Madaxweyne Farmaajo oo Booqday Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga+Sawirro

Guddiga doorashooyinka oo Galmudug ka bixinaya kaararka cod-bixiyaasha

Guddiga doorashooyinka oo Galmudug ka bixinaya kaararka cod-bixiyaasha

April 1, 2026
0

Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka ayaa maanta magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug soo gaarsiiyey Kaararka codbixiyaasha hore loo diiwaangeliyey,...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo booqday Isbitaalka Benaadir

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo booqday Isbitaalka Benaadir

April 1, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta booqday Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka Banaadir ee...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo Daah-furay madal lagu xoojinayo horumarinta beeraha Dalka

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo Daah-furay madal lagu xoojinayo horumarinta beeraha Dalka

April 1, 2026
0

Muqdisho, Arbaco, 01 Abriil 2026: Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa daah-furay madasha isku-duwidda qaybta...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo isbeddel ku sameeyay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Dowladda

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo isbeddel ku sameeyay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Dowladda

April 1, 2026
0

Muqdisho , 1-da April , 2026 : Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa magacaabis isweeydaarin ah ku...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In