Saturday, December 13, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Amniga Soomaaliya iyo R/wasaaraha Qatar oo ku kulmay Doha

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Amniga Soomaaliya iyo R/wasaaraha Qatar oo ku kulmay Doha
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Amniga Soomaaliya ayaa caasimadda dalka Qatar ee Doha kula kulmay Ra’iisul wasaaraha Qatar Sheekh Abdullah Bin Nasser  Bin Khalifa Al Thani.

Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay amniga gobolka gaar ahaan dagaalka ay Soomaaliya kula jirto argagixisada iyo sidii dowladda Qatar ay uga geysan lahayd gacan xooggan, iyadoo la taageerayo hey’adaha Sirdoonka iyo nabaddeynta dalka.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Dalka Oo Maanta Qaatay Kaadhka Codbixinta Doorashooyinka

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Dalka Oo Maanta Qaatay Kaadhka Codbixinta Doorashooyinka

December 13, 2025
Maareeyaha Guud Ee Dekadda Muqdisho Oo Kulan Muhiim Ah Dubai Kula Qaatay Madaxa Fulinta Shirkadda Abu Dabai Ports Group

Maareeyaha Guud Ee Dekadda Muqdisho Oo Kulan Muhiim Ah Dubai Kula Qaatay Madaxa Fulinta Shirkadda Abu Dabai Ports Group

December 13, 2025

Maxamed Abuukar Isloow (Ducaale) wasiirka Amniga Qaranka Soomaaliya, ayaa warbixin ka siiyey Ra’iisul wasaaraha Qatar dhacdooyinkii foosha xummaa ee dhacay 14-kii October iyo 28-kii bishaas  ee ay argagixisada ku gummaadeen dad maato ah, waxa uu sheegay in hey’adaha Amniga Soomaaliya ay dedaal xooggan ugu jiraan sidii loo hirgelin lahaa Istaraatiijiyad ay nabad-diidku uga caaganaan doonaan caasimadda, si xasillooni buuxda loo gaaro.

Ra’iisul wasaaraha Qatar Sheekh Abdullah Bin Nasser  Bin Khalifa Al Thani, ayaa wasiirka Amniga uga tacsiyeeyey dhibaatadii dalka ka dhacdey, waxa uu ballanqaadey in dowladda Qatar ay diyaar u tahay taageero dhaqaale iyo mid lagy xoojinayo hey’adaha amniga Soomaaliya si muuqatana ay uga qeyb-qaadaneyso ciribtirka Al-shabaab.

Wasiirka Amniga Soomaaliya ayaa inta uu Doha jooga la kulmay guddoomiyaha guud ee Amniga Qatar oo ay isla garteen arrimo ay ka mid yihiin in meel cad  looga soo wada jeesto dhibaatada gobolka ay ku hayaan kooxaha argagixisada ah.

Previous Post

Shir ku saabsan maalgelinta Tamarta Dalka oo ka furmay Muqdisho+Sawiro

Next Post

Madaxweyne Farmaajo oo Booqday Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga+Sawirro

Next Post
Madaxweyne Farmaajo oo Booqday Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga+Sawirro

Madaxweyne Farmaajo oo Booqday Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga+Sawirro

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Dalka Oo Maanta Qaatay Kaadhka Codbixinta Doorashooyinka

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Dalka Oo Maanta Qaatay Kaadhka Codbixinta Doorashooyinka

December 13, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta qaatay Kaarka Cod-bixinta ee Guddiga Madaxa Bannaan...

Maareeyaha Guud Ee Dekadda Muqdisho Oo Kulan Muhiim Ah Dubai Kula Qaatay Madaxa Fulinta Shirkadda Abu Dabai Ports Group

Maareeyaha Guud Ee Dekadda Muqdisho Oo Kulan Muhiim Ah Dubai Kula Qaatay Madaxa Fulinta Shirkadda Abu Dabai Ports Group

December 13, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Maareeyaha Guud ee Dekadda Muqdisho Danjire Maxamed Cali Nuur (Ameeriko) iyo wafdi uu hoggaaminaayay ayaa magaalada Abu Dubai kulama...

Ciidamada Daraawiishta Jubbaland Oo Hawlgal Ka Dhan Ah Khawaarijta Ka Sameeyay Jubbadda Hoose

Ciidamada Daraawiishta Jubbaland Oo Hawlgal Ka Dhan Ah Khawaarijta Ka Sameeyay Jubbadda Hoose

December 13, 2025
0

RADIO MUQDISHO(JUBBADA HOOSE): Ciidamada Daraawiishta Jubbaland ayaa howlgal amni ka fuliyay magaalada Qooqaani ee gobolka Jubbada Hoose, kaas oo lagu...

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka oo kulan la qaatay qaar kamid ah bulshada caasimadda

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka oo kulan la qaatay qaar kamid ah bulshada caasimadda

December 13, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa xalay la kulmay qaad kamid ah bulshada magaalada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In