Sunday, April 5, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka arimaha gudaha oo kulan la yeeshay gudiyada doorashooyinka iyo xuduudaha-Sawirro

caqiil by caqiil
11 years ago
in Wararka
0
Wasiirka arimaha gudaha oo kulan la yeeshay gudiyada doorashooyinka iyo xuduudaha-Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulankan maanta ka dhacay xafiiska Wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa uu la qaatay xubnaha gudiyada madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka iyo xuduudaha, iyadoo kulanka ay goob joog ka ahaayeen wasiir ku xigeenka,wasiiro dowlaha iyo qaar kamid ah agaasimiyaasha.

Wasiiru dowlaha wasaarada arrimaha gudaha iyo federaalka mudane Cabdirashiid Maxamed Xidig oo la hadlayay gudiyada  ayaa waxaa uu sheegay in howsha ay u xilsaaran yihiin ay ku wareeegeyso gudiyada isla markaana looga baahan yahay dulqaad iyo in Soomaali weyn ay u dhexeeyaan.

Related posts

Qaar kamid ah Wasiirrada XFS oo maanta shacabka reer Baydhaba kulan kula qaatay gudaha magaalada

Qaar kamid ah Wasiirrada XFS oo maanta shacabka reer Baydhaba kulan kula qaatay gudaha magaalada

April 5, 2026
Kumaandooska Danab oo hawlgallo amni xaqiijin ah ka fuliyay deegaanno dhaca gobolka Baay

Kumaandooska Danab oo hawlgallo amni xaqiijin ah ka fuliyay deegaanno dhaca gobolka Baay

April 5, 2026

“Waxaad tihiin dadkii lagu aaminay howshaan  muhiimka ah wasaarada anagu hadaan nahay howshu waa naga soo wareegeysaa adinkay idinku soo wareegeysaa labada asbuuc ee aad isku taageysaaney idinla sii shaqeyneysaa idinkaan isku kiin hagaajineynaa dabcan waan idinla shaqeyneynaa  qaybaan wada lahaaneynaa“ayuu yiri Xidig.

Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha iyo federaalka mudane Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen “Odawaa” ayaa la dar daarmay gudiyada uu kulanka la qaatay isagoo u soo jeediyay in howsha Soomaali weyn ka sugeyso ay ka soo dhalaalaan.

“Markaan idin soo dooraneynay dadnimadiina iyo Soomaalinimadiina ayaan idinku soo dooranay in aad qaraabo nala tihiin la idinkuma soo dooran in aad saaxiibo nala tihiin la idinkuma soo dooran  doorashada 2016 ka in aad noo xaglisaan la idinkuma soo dooran  garabkiina ala ha galo xaduudaha aan leenahay iyo federaalka sida anagu aan rabno in aad ka dhigtaan la idiinma keenin”ayuu yiri wasiirka.

Maalintii shalay ayaa Baarlamaanka Soomaaliya waxa ay meel mariyeen gudiyada madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka iyo xuduudaha kaas oo ay soo xushay wasaaradda arimaha gudaha iyo federaalka, waxaana ay ka kooban yihiin min 9 xubnood labada gudi.

DSC04079 DSC04082 DSC04091 DSC04113 DSC04115 DSC04118 DSC04121

Sawiro Qaade: Farxaan Suleymaan Daahir

 

Previous Post

Wasiirka caafimaadka oo deeq dawo ah ku wareejisay madaxweynaha Khaatumo-Sawirro

Next Post

Dhageyso warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso warka habeen ee Radio Muqdisho

Dhageyso warka Duhur ee Radio Muqdisho

Qaar kamid ah Wasiirrada XFS oo maanta shacabka reer Baydhaba kulan kula qaatay gudaha magaalada

Qaar kamid ah Wasiirrada XFS oo maanta shacabka reer Baydhaba kulan kula qaatay gudaha magaalada

April 5, 2026
0

RADIO MUQDISHO(BAYDHAB):-Qaar ka tirsan Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee ku sugan magaalada Baydhaba, ayaa maanta kulamo kala duwan kula qaatay...

Kumaandooska Danab oo hawlgallo amni xaqiijin ah ka fuliyay deegaanno dhaca gobolka Baay

Kumaandooska Danab oo hawlgallo amni xaqiijin ah ka fuliyay deegaanno dhaca gobolka Baay

April 5, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ururka 165-aad ee Guutada 16-aad Kumaandooska Danab ayaa howlgallo amni xaqiijin ah ka fuliyay deegaanno hoos yimaada Degmada Buurhakaba...

Hoggaamiyaha kumeel gaarka ah ee Maamulka Koonfur Galbeed oo la kulmay Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA

Hoggaamiyaha kumeel gaarka ah ee Maamulka Koonfur Galbeed oo la kulmay Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA

April 5, 2026
0

RADIO MUQDISHO(BAYDHABA):Hoggaamiyaha kumeel gaarka ah ee Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Jabriil Cabdirashiid Xaaji ayaa Aqalka Madaxtooyada Magaalada Baydhabo ku...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Odayaashay Dhaqanka KGS

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Odayaashay Dhaqanka KGS

April 5, 2026
0

RADIO MUQDISHO(BAYDHABA):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan muhiim ah la qaatay qaybo ka mid ah Odayaasha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In