Tuesday, July 15, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Shiinaha oo booqanaya Kuuriyada Waqooyi

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
April 30, 2018
in Wararka
0
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Shiinaha oo booqanaya Kuuriyada Waqooyi
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Shiinaha Wang Yi ayaa booqan doona Kuuriyada Waqooyi toddobaadkan, ka dib markii ay wadahadal taariikhi ah galeen Kuuriyada Koonfureed iyo Kuuriyada Waqooyi Jimcihii.

Safarkan ayaa imaanaya iyadoo ay sare u sii kacayso dhaqdhaqaaqyada dublamaasiyadeed, wixii ka dambeeyay maalinkii taarikhiga ah ee gacanka.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

July 14, 2025
Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

July 14, 2025

Shiinaha ayaa ah dalka kali ah ee iskaashi dhanka ganacsiga ah la leh Kuuriyada Waqooyi, laakiin booqashadan ayaa noqon doonta midii ugu heer sarraysay muddo sannado ah.

Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un ayaa la filayaa in uu la kulmo madaxweynaha Maraykanka Donald Trump toddobaadyada soo socda.

Kuuriyada Koonfureed ayaa horay u la hadashay madaxweynaha Maraykanka iyo kan Japan.

Dawladda Shiinaha ayaa sheegtay in booqashada Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Arbacada iyo Khamiista ay ku tumid casuumaad uu ka helay Kuuriyada Waqooyi.

Bishii Maarso ayuu Kim booqasho layaableh ku tagay magaalada Beijing ee dalka Shiinaha si uu ula kulmo madaxweyne Xi Jinping, kaas oo ahayd booqashadiisii koobad ee dalka dibaddiisa ah tan iyo markii uu xilka la wareegay, taas oo hoosta ka xariiqday ahmiyadda uu xiriirka Shiinuhu u leeyahay Kuuriyada Waqooyi.

Xigaasho BBC

Previous Post

Benadir Governor Appeals for Urgent Help to Assist The Victims of River Shabelle Flooding

Next Post

Xuska 1da May oo ku soo beegmay dib-u habaynta Shaqaalaha dowladda

Next Post
Xuska 1da May oo ku soo beegmay dib-u habaynta Shaqaalaha dowladda

Xuska 1da May oo ku soo beegmay dib-u habaynta Shaqaalaha dowladda

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

July 14, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Imaaraadka Carabta u qaabilsan...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

July 14, 2025
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa maanta Xarunta Wasaaradda ku qaabilay Safiirka...

Soomaaliya oo shir guddoomisay Shirka 25aad ee Wasiirada Maaliyadda ee Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika

Soomaaliya oo shir guddoomisay Shirka 25aad ee Wasiirada Maaliyadda ee Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika

July 14, 2025
0

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa maanta shir Guddoominaya kulanka ay yeelanayaan Wasiirada Maaliyadda Madasha dalalka...

Shir-Wadatashi Qaran oo lagu diyaarinayo Qorshaha Qaran ee Ka Hortagga iyo Xakameynta Cudurka Cagaarshowga oo ka furmay Muqdisho

Shir-Wadatashi Qaran oo lagu diyaarinayo Qorshaha Qaran ee Ka Hortagga iyo Xakameynta Cudurka Cagaarshowga oo ka furmay Muqdisho

July 14, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Ali Haji Aden, ayaa maanta si rasmi ah u...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In