Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Abshir Cumar Jaamac (Huruuse), ayaa maanta magaalada Muqdisho ka daah-furay shirweynaha Qurba joogta Soomaaliyeed.
Shirkaan ayaa waxa ka soo qeyb galay Mas’uuliyiin kala duwan oo kala socday bulashda qeybaheeda kala duwan sida: Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,Xildhibaano ka tirsan labada Gole Baarlamaan,Bulshada rayidka iyo Qurbe joogta Soomaaliyeed.
Wasiirka Arrimaha dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Abshir Cumar Jaamac oo shirka furay,ayaa sheegay in qurba joogta ay kaalin muuqato ka qaateen dib u dhiska dalka,waxa uu sheegay in ay qabaan baahiyo kala duwan una baahan in xal loo helo
“Waxaa jira Dad badan oo Soomaaliyeed oo dhibaato nolol xumo iyo sharci la’aan ah ay ku haysato dalalka ay joogaan dadaal ayaan ku bixin doonaa si wax looga qabto” sidaa ayuu yiri Wasiirka Arrimaha dibadda.
Shirka, ayaa inta u socdo looga hadli doonaa Arrimaha la xariira siday qurba-joogta Soomaaliyeed door muhiim ah uga qaadan lahaayeen Hanaanka Dowlad dhiska Soomaaliya kan Dhaqaale abuurka bulshadda iyo sidii wax looga qaban lahaa baahiya ay qabaan Qurba joogta Soomaaliyeed.