Tuesday, October 20, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka qayb galay munaasabad ay Dowladda Soomaaliya ku martiqaadday maalgashadeyaal ajnabi ah

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
5 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka qayb galay munaasabad ay Dowladda Soomaaliya ku martiqaadday maalgashadeyaal ajnabi ah
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Cabdisaciid Muuse Cali ayaa  magaalada Muqdisho waxa uu kaga qayb galay munaasabad ay Dowladda Soomaaliya ku martiqaadday maalgashadeyaal shisheeye.

Munaasabaddan oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ayna ka soo qayb galeen madax ka socdey hay’adaha kala duwan ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, qaar ka mid ah Danjireyaasha iyo maalgashadeyaasha shisheeye ee ku sugan Muqdisho, ayaa waxaa looga hadlay sidii Soomaaliya loogu soo jiidi lahaa maalgashiyo caalammi ah, looga na faa’iideysan lahaa fursadaha maalgashi ee ka jira.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah oo munaasabadda khudbad ka jeediyey, ayaa tilmaamay fursadaha maalgashi ee ka jira Dalka iyo muhiimadda ay Soomaaliya u leedahay in ay hesho maalgashi shisheeye, isaga oo hoosta ka xarriigay doorka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee ku aaddan soojiidashada maalgashadeyaasha shisheeye.

“Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, waxa ay dadaal weyn ku bixinaysaa isku xirka hay’adaha gudaha iyo kuwa dibadda si loo soo bandhigo fursadaha maalgashi ee ka jira dalka, loogu na soo jiido Soomaaliya maalgashi shisheeye oo dheeraad ah.”

Previous Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho.

Next Post

Dhageyso Barnaajika Faaqidaada Wararka Radi Muqdisho.

Next Post
Faaqidaada Wararka

Dhageyso Barnaajika Faaqidaada Wararka Radi Muqdisho.

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In