Friday, October 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Arrimaha Dibadda  oo qaabilay wefdi ka socda India-Sawirro

caqiil by caqiil
11 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Arrimaha Dibadda  oo qaabilay wefdi ka socda India-Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cabdusalam Hadliye Cumar ayaa maanta ku qaabilay Xafiiskiisa Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Dowladda India  Hon. General (Retd) Vijay Kumar Singh oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka taariikhiga ah iyo iskaashiga labada dal ka dhaxeeya .

Wasiir Dr. C/salaam Hadliye Cumar ayaa ka sheekeeyay horumarka uu gaaray xiriirka soo jireenka ah ee Soomaaliya kala dhaxeeya dalka India, kaasoo ku qotama dhinacyo badan .

Related posts

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026

Waxa uu sidoo kale xusay hanaanka iyo isbadalka  siyaasadeed iyo nabadgelyo ee Soomaaliya ay gaartay sanadihii ugu dambeeyay , isagoo muujiyay in Soomaaliya u baahan tahay kaalin horumarineed oo ka qeyb qaadata dib u dhiska iyo maalgashiga..

Dhankiisa , Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda India Hon.Gen.(Retd) V.K.Singh wuxuu farxad iyo guul ku tilmaamay booqashadiisa caasimadda Muqdisho , isagoo xusay in dalkiisu ku faanayo xiriirka wanaagsan ee kala dhaxeeya Soomaaliya .

Wafdiga uu hogaaminayo Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda India oo saaka ka soo degay garoonka diyaaradaha Aden Abdulle ee Magaalada Muqdisho , ayna ka qeyb yihiin diblomaasiyiin uu ka mid yahay Safiirka India u qaabilsan wadamada Kenya iyo Soomaaliya Mr. Yogeshwar Varma ayaa waxaa  dalka ku soo dhoweeyay Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane  Khaalid Cumar Cali.

Waxaa xusid mudan in xiriirka diblomaasiyadeed ee ka dhaxeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda India uu si rasmi ah u bilowday bilowgii sanadkii 1961 , mudadaas kahor waxaa xiriir isdhaafsi ganacsi ka dhaxeeyay labada shacab oo  doomaha shiraaca leh dhanka badweynta India isku weydaarsan jiray dharka,sokorta, xoolaha nool iyo dhirta laga sameeyo waxyaabaha udugga iyo carafta leh.

DSC08290 DSC08292 DSC08293 DSC08298 DSC08302 DSC08304 DSC08307 DSC08309

Previous Post

Madaxweynaha: “Waan soo dhoweynayaa dib u soo nooleynta xiriirkii taariikhiga ahaa ee ka dhexeeyay Soomaaliya iyo India”-Sawirro

Next Post

Shir looga hadlayo maamulka hawada Soomaaliya oo ka furmi doona Nairobi

Next Post
Shir looga hadlayo maamulka hawada Soomaaliya oo ka furmi doona Nairobi

Shir looga hadlayo maamulka hawada Soomaaliya oo ka furmi doona Nairobi

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Austria u qaabilsan Kenya una magacaaban dalka Soomaaliya, Marwa Dr. Simone Knapp, ayaa booqasho ku timid Xarunta Safaaradda...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Arusha...

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

October 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa Ankara kula kulmay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Türkiye,...

SoDMA oo  kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

SoDMA oo kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

October 1, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan ay isugu yeertay Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In