Friday, October 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Tacsi ugu Tagay Safaaradda Dowladda Qatar

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 months ago
in Wararka
0
Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Tacsi ugu Tagay Safaaradda Dowladda Qatar
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa booqasho tacsi ah ku tagay Safaaradda Dowladda Qatar ee Muqdisho, halkaas oo uu ku saxiixay buugga tacsida islamarkaana gaarsiiyay dhambaal tacsi tiiraanyo leh uu ka siday Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo shacabka Soomaaliyeed geerida ku timid Aabbaha dhalay Amiirka Dalka Qadar ahaana Amiirkii hore ee Dowladda Qadar, Sheekh Hamad bin Khalifa Al Thani.

Wasiirka waxaa halkaas ku soo dhaweeyay Safiir ku xigeen ka Dowladda Qadar u fadhiya Soomaaliya, Dr. Cabdullaahi bin Saalem Al Nuceymi.

Related posts

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026

Wasiirku wuxuu tacsi u diray Amiirka Dowladda Qadar, Sheekh Tamiim bin Hamad Al Thani, qoyska boqortooyada, dowladda, iyo shacabka walaalaha ah ee Qadar.

Waxa uu sidoo kale xusay hoggaamintii iyo dhaxalkii taariikhiga ahaa ee uu ka tegay Marxuumka, isagoo adkeeyay garab istaagga iyo walaaltinimada Soomaaliya ay la leedahay Dowladda Qatar, waxa uuna Alle SWT uga baryay inuu Marxuumka ka waraabiyo Jannatul Firdows.

Previous Post

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan Afmadow

Next Post

Minister of Foreign Affairs Pays Condolence Visit to the Embassy of Qatar

Next Post
Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Tacsi ugu Tagay Safaaradda Dowladda Qatar

Minister of Foreign Affairs Pays Condolence Visit to the Embassy of Qatar

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
0

Ra'iisal wasaaraha xukuumadda FS ayaa hambalyo u diray hoggaamiyaha iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Liibaan Axmed Xasan iyo Abdiwali...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan...

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

October 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa maanta ku dhawaaqay natiijadii doorashada Galmudug oo uu ku guuleystay Mudane...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

October 21, 2026
0

Guddoomiyaha Shacabka Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa guddiga ka dhageystay talooyin wax-ku-ool ah iyo aragtiyo muhiim ah oo ku saabsan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In