Thursday, March 5, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo dhiggiisa Serbia kala hadlay xiriirka labada dal

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
12 months ago
in Wararka
0
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo dhiggiisa Serbia kala hadlay xiriirka labada dal
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane, Danjire Axmed Macallim Fiqi ayaa wada-hadal dhanka khadka Telefoonka uu la yeeshey Maanta dhigiisa Wasiirka Arimaha Dibada Jamhuuriyadda Serbia Danjire Marko Djuric.

Labada Wasiir ayaa ka wada-hadlay xalaadaha guud ee labadda dal Siyaasadda Caalamka, Amniga iyo dhaqaalaha. Soomaaliya iyo Serbia ayaa xiriirkooda saaxiibtinimo uu sii marayaa muddo 65 sano ah. “Waxaan xoojin doona kor u qaadidoona xiriirkeena wadaagga ah” ayuu yiri Danjire Axmed Fiqi Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Related posts

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo soo fhaweysay Ansixinta Dastuurka Soomaaliya

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo soo fhaweysay Ansixinta Dastuurka Soomaaliya

March 5, 2026
Guddoomiyaha SoDMA oo kulan la yeeshay bulshada ay saameynta abaarta ee G/ Mudug.

Guddoomiyaha SoDMA oo kulan la yeeshay bulshada ay saameynta abaarta ee G/ Mudug.

March 5, 2026

Danjire Axmed Macalim Fiqi ayaa muujiyey sida ay Soomaaliya uga go’an tahay xoojinta xiriirka laba-geesoodka ah ee Quruumaha dunidda oo idil, iyadoo mar walba mudnaan gaar ah la siinayo dalalka saaxiibtinimadoodu mudadda dheer ee ay soo jirtay.

Danjire Marko Djuric Wasiirka Arimaha Dibada Serbia ayaa boogaadiyay horumarka dhanka Diplomaasiyadda iyo Siyaasadda ee dhexdhexaad ka ah ee Dowladda Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya ay ka qaadato danaha is diidan ee yaala Golayaasha Caalamka.

Sidoo kale Wasiirka Arimaha Dibada Serbia ayaa balan qaaday inay dowladdiisu taageero la garab taagantahay dowladda Soomaaliya, “mar walba Somalia waxay noo tahay saaxiib gaar ah waxaan rumeysannahay inaan wax badan wada-qabsan karo” ayuu yiri Marko Djuric.

Ugu dambeyn, laba Wasiir ayaa isla gartay in booqashooyin rasmi ah isweydaarsadaan, si loo balaariyo fursadaha jira si loga wada faa’iideysto Arimaha dhaqaalaha amniga iyo Tiknoolajidda.

 

Previous Post

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray jiidaha hore ee dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta

Next Post

DFS oo u digtay shacabka Degmada Jilib, baaqna u dirtay

Next Post
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

DFS oo u digtay shacabka Degmada Jilib, baaqna u dirtay

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo soo fhaweysay Ansixinta Dastuurka Soomaaliya

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo soo fhaweysay Ansixinta Dastuurka Soomaaliya

March 5, 2026
0

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Soomaaliya ayaa soo dhoweysay ansixinta Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee dhameystirka Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Guddoomiyaha SoDMA oo kulan la yeeshay bulshada ay saameynta abaarta ee G/ Mudug.

Guddoomiyaha SoDMA oo kulan la yeeshay bulshada ay saameynta abaarta ee G/ Mudug.

March 5, 2026
0

Guddoomiyaha Hay'adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed ayaa kulan la qaatay maamulka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool Gobolka Mudug,...

Tartamayaasha Wanlaweyn oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha Wanlaweyn oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

March 4, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Akhriso Isku Aadka Wareegga 2-aad ee Tartanka

Akhriso Isku Aadka Wareegga 2-aad ee Tartanka

March 4, 2026
0

Akhristayaasheena sharafta leh waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa isku aadka wareegga  labaad ee tartanka

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In