Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa magaalada Qaahira ee xarunta Jaamacadda Carabta kaga qayb-galay shirka 159 ee wadamada Carabta oo looga hadlay qodobo muhiim ah oo taabanaya wadamada xubnaha ka ah Jaamacadda Carabta.
shirka ayaa diirradda lagu saaray Sanadkaan arrimo ay ka mid yihiin Amnga guud dalalka,dagaalada ka socda qaar ka mid ah waddamada Carabta,dhibaatooyinka xagjirka,horumarinta ganacsiga,siyaasadda dalalka carabta iyo tan caalamka,dhanka kale waxaa looga hadlay arriimo si gaar ah u khuseeya waddamada Syria, Yemen, ciraaq, Libya iyo arrimo kale oo muhiim u ah waddamada carabta.
Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Abshir Cumar Jaamac ayaa shirar doceedyo la yeeshay qaar ka mid ah wasiirrada Arrimaha Dibedda ee dalalka Carabta oo u kala kala hadlay arrimo si gaar ah u Khuseeya Soomaaliya ayaa qayb ka ah dalalka xubnaha ka ah Ururka Jaamacadda Carabta.