Monday, February 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan doceedyo la qaatay Madax ka qeybgalaysa Shirka Midowga Afrika

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan doceedyo la qaatay Madax ka qeybgalaysa Shirka Midowga Afrika
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga JFS Mudane Abshir Cumar Jaamac (Huruuse) oo magaalada Addis Ababa kaga qayb-galaya shirka Midowga Afrika, heerka Wasiirrada Arrimaha Dibedda ayaal kulan doceedyo ( Sideline Meetings) la yeeshay qaar ka mid ah Madaxda shirka ka qayb-gelaysa.

Masuulinta uu Wasiirka kulmada miro-dhalka ah la yeeshay waxaa ka mid ahaa   Raisul Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibedda Ethiopia Mudane Demeke Mekonnen Hassen, Xoghayaha Arrimaha Dibedda iyo Arrimaha Qurba-joogta ee Kenya Dr. Alfred Nganga Mutua oo ay labadaba isla soo qaadeen Iskaashiga dhinacyada Ammaanka, Diblumaasiyadda iyo deris wanaagga ee  dalalka jaarka ah, Waxaa kale oo  ka wada hadaleen meel marinta war-murtiyeedkii ay madaxda wadamada derisku  Muqdisho ka soo saareen horraantii bishan Febraayo iyo shir heer wasiirro ah oo kulanka madaxda daba socda oo bisha soo socota ee Maarso uu Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga XFS ku martiqaaday magaalada Muqdisho Wasiirrada dhiggiisa ah ee gobolka.

Related posts

Tartamayaasha Gubadleey oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Gubadleey oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka “SAWIRRO”

February 23, 2026
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Wasiirka Ganacsiga XFS

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Wasiirka Ganacsiga XFS

February 22, 2026

Waxaa kale oo Wasiir Abshir Cumar Jaamac (Huruuse) uu  kulamo la yeeshay Wasiirrada Arrimaha Dibedda ee dalalka Tanzania,  Uganda, Algeria, Rwanda, Nigeria, Ghana,  iyo Komoros oo sanadkan qabanaysa guddoonka Midowga Afrika.

Qodobada ugu muhiimsan ee Wasiir Abshir uu kala hadlay Wasiirrada dhiggiisa ah  waxaa ka mid ahaa.

1-inay Soomaaliya hesho taageerada wadamada Afrika ee tartanka aan ugu jirro ka mid noqoshada xubinta aan joogtada ahayn ee golaha ammaanka Qaramada Midoobay oo dhacaysa June  2024.

2- taageerada codsiga Soomaaliya ee ka mid noqoshada Bulshada Bariga Afrika ( EAC) oon si gooni ah ugala hadlay wadamada xubnaha ka ah.

3- xaqiijinta qoondada muwaadiniinta Soomaaliyeed ee Midowga Afrika oon muddo dibad joog ka ahayn fursadaha shaqo iyo mashaariic ee Midowga Afrika bixiyo.

Shirkan wasiirrada Arrimaha dibadda Afrika ayaa hordhac u ah midka Madaxda Afrika oo 18 furmi doona, waxaana rajo weyn laga qabaa sanadkan inay ka soo baxaan qodobada muhiim u ah dalkeenna.



Previous Post

Ciidamada XDS iyo Daraawiishta Galmudug oo la wareegay deegaanno horleh oo ku yaala Mudug

Next Post

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS oo booqasho howleed ku jooga Serbiya

Next Post
Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS oo booqasho howleed ku jooga Serbiya

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS oo booqasho howleed ku jooga Serbiya

Tartamayaasha Gubadleey oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Gubadleey oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka “SAWIRRO”

February 23, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Wasiirka Ganacsiga XFS

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Wasiirka Ganacsiga XFS

February 22, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa xarunta hay’adda ku qaabbilay Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha, Mudane...

Senator Xasan Kobac oo markale biyo dhaamin u sameeyay qoysas danyar ah

Senator Xasan Kobac oo markale biyo dhaamin u sameeyay qoysas danyar ah

February 22, 2026
0

Hey'adda Xasan Kobac Foundation oo wakiil ka ah Sanator Xasan Kobac ayaa maanta Deeganka Maroodile Ka daah durtay Wajiga Labaad...

Soomaaliya oo hambalyo u dirtay Boqortooyada Sacuudiga

Soomaaliya oo hambalyo u dirtay Boqortooyada Sacuudiga

February 22, 2026
0

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si diirran ugu hambalyaynaysaa Boqortooyada Sacuudi Carabiya aan walaalaha nahay munaasabadda Maalinta Aasaaska, taas oo calaamad...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In