Sunday, September 20, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan miro-dhal ah la yeeshay Dhigiisa Dalka Cumaan

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 months ago
in Wararka
0
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan miro-dhal ah  la yeeshay Dhigiisa Dalka Cumaan
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdisalaan Cali ayaa wadahadallo rasmi ah la yeeshay Mudane Sayid Badr bin Hamad Al Busaidi, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Saldanadda Cumaan, kulan ka dhacay xarunta Wasaaradda ee magaalada Muscat, intii uu ku guda jiray booqasho rasmi ah oo uu ku tagay dalkaas.

Wadahadallada ayeey Wasiiradu diiradda ku saareen xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo horumarinta iskaashiga, si loo adkeeyo iskaashiga soo jireenka ah iyo danaha wadaagga ah ee labada dal ee walaalaha ah.

Related posts

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ka Guddoomay Nuqul ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ka Guddoomay Nuqul ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

September 19, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo furay shirka Maalgelinta Horumarinta Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh oo furay shirka Maalgelinta Horumarinta Soomaaliya

September 19, 2026

Sidoo kale, labada dhinac ayaa is dhaafsaday aragtiyo ku saabsan xaaladaha gobolka, gaar ahaan Geeska Afrika, iyagoo adkeeyay muhiimadda ay leedahay iskaashi heer gobol iyo heer caalami ah oo lagu horumarinayo amniga, xasilloonida, iyo horumar waara.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Cumaan, Sayid Badr Al Busaidi, ayaa mar kale xaqiijiyay taageerada adag ee dalkiisa uu u hayo midnimada, madax bannaanida, iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isagoo sidoo kale waxa uu caddeeyay mowqifka Cumaan ee ah in aan la aqoonsan karin wax kasta oo ka baxsan nidaamka dowladeed ee Soomaaliya.

Dhankiisa, Wasiir Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa uga mahadceliyay Boqortooyadda Cumaan doorka diblomaasiyadeed ee wax ku oolka ah iyo dadaallada ay ku bixiso dhiirrigelinta wada hadalada, dib u heshiisiinta, iyo xasilloonida gobolka.

Kulanka waxaa goob joog ka ahaa saraakiil ka kala socotay labada dhinac.

Previous Post

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay Caleemo saarka Ugaas Cabdirisaaq Ugaas Cabdullaahi

Next Post

Wasaaradda howlaha Guud XFS oo dadaal ugu jirto sidii barakacayaasha guryo loogu dhisi lahaa

Next Post
Wasaaradda howlaha Guud XFS oo dadaal ugu jirto sidii barakacayaasha guryo loogu dhisi lahaa

Wasaaradda howlaha Guud XFS oo dadaal ugu jirto sidii barakacayaasha guryo loogu dhisi lahaa

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ka Guddoomay Nuqul ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ka Guddoomay Nuqul ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

September 19, 2026
0

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Xasan Maxamed Cali (Nadaara), ayaa maanta ka guddoomay nuqul ka...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo furay shirka Maalgelinta Horumarinta Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh oo furay shirka Maalgelinta Horumarinta Soomaaliya

September 19, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa daah-furay Shirka Maalgelinta Horumarinta Soomaaliya oo lagu qabtay magaalada Muqdisho, kaasi...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

September 19, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Xasan Maxamed Cali (Nadaara), ayaa maanta ka guddoomay nuqul...

Munaasabad lagu xusayo Maalinta Caalamiga ah ee Aqoonsiga oo lagu qabtay Muqdisho

Munaasabad lagu xusayo Maalinta Caalamiga ah ee Aqoonsiga oo lagu qabtay Muqdisho

September 19, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shir ay soo qabanqaabisay Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA), kaas oo lagu...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In