Wednesday, January 14, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo xoojinta iskaashiga kala hadlay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Q.M

Idman Yahye by Idman Yahye
8 months ago
in Wararka
0
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo xoojinta iskaashiga kala hadlay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Q.M
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

RADIO MUQDISHO: Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta oo Axad ah , xafiiskiisa Wasaaradda ee Caasimadda Muqdisho, ku qaabilay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya ahna Madaxa Howlgalka Kalaguurka ee Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS), oo booqasho ugu yimid.

Danjire Swan ayaa ugu horrayn Wasiirka ugu hambalyeeyay xilka cusub ee dhowaan loo magacaabay, isagoo muujiyay taageerrada iyo kalsoonida Qaramada Midoobay ee ku aaddan wada-shaqeynta labada dhinac. Intaa kaddib, wuxuu Wasiirka la wadaagay qorshayaasha xilliga Kala-guurka ee Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, kuwaas oo diiradda saaraya horumarinta dowlad wanaagga, doorashooyinka, ilaalinta xuquuqda aadanaha, iyo xoojinta xiriirka iskaashi ee ka dhexeeya dowladda Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay.

Related posts

Soomaaliya iyo Turkiga oo bilaabay Hirgelinta heshiiskii Iskaashiga ee 2016-ka

Soomaaliya iyo Turkiga oo bilaabay Hirgelinta heshiiskii Iskaashiga ee 2016-ka

January 13, 2026
Danjire Jabriil oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Gobalka Meru

Danjire Jabriil oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Gobalka Meru

January 13, 2026

Dhankiisa, Wasiir Cabdisalaan ayaa uga mahadceliyey Danjire Swan taageerrada iyo wadashaqeynta joogtada ah ee Qaramada Midoobay la leedahay Dowladda Federaalka Soomaaliya, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay sii xoojinta iskaashiga labada dhinac.

 

 

Previous Post

Shirka Wadatashiga Ururrada Siyaasadda iyo Xukuumadda oo hadda ka furmay Magaalada Muqdisho

Next Post

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Labaad oo ka qeybgalay Munaasabadda howlgelinta Hey’adda (SARIS)

Next Post
Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Labaad oo ka qeybgalay Munaasabadda howlgelinta Hey’adda (SARIS)

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Labaad oo ka qeybgalay Munaasabadda howlgelinta Hey’adda (SARIS)

Soomaaliya iyo Turkiga oo bilaabay Hirgelinta heshiiskii Iskaashiga ee 2016-ka

Soomaaliya iyo Turkiga oo bilaabay Hirgelinta heshiiskii Iskaashiga ee 2016-ka

January 13, 2026
0

Magaalada Ankara ayaa lagu qabtay munaasabad lagu saxiixayay hirgelinta heshiiskii iskaashiga (MoU – June 2016) ee u dhexeeyay Wasaaradda Shaqada...

Danjire Jabriil oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Gobalka Meru

Danjire Jabriil oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Gobalka Meru

January 13, 2026
0

Guddoomiyaha Gobolka Meru Mutuma M'Ethingia iyo wafdi balaaran oo uu hogaaminayo ayaa booqasho shaqo ku yimid xarunta Safaaradda Soomaaliya ee...

Sacuudiga oo markale caddeeyay mowqifkooda ku aadan Midnimada JFS

Sacuudiga oo markale caddeeyay mowqifkooda ku aadan Midnimada JFS

January 13, 2026
0

Kulanka Golaha Wasiirrada Boqortooyada Sacuudiga, oo uu shir-guddoominayay Boqor Salmaan bin Cabdulcasiis Aala Sacuud, ayaa si cad u muujiyay in...

DAAWO: Madaxweynaha JFS oo soo dhaweeyay go’aanka Golaha Wasiirrada

DAAWO: Madaxweynaha JFS oo soo dhaweeyay go’aanka Golaha Wasiirrada

January 13, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad u jeediyey shacabka Soomaaliyeed ayaa soo dhaweeyey go'aanka Golaha Xukuumadda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In