Wasiirka arrimaha gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta mudane Axmed Macallim Fiqi, ayaa maanta booqasho ku yimid Xarunta Dhexe ee Hay’adda Maareeynta Musiibooyinka Qaranka ee SoDMA iyidoo uu xarunta kusoo dhaweeyay Gudoomiyaha Hay’adda Mudane Maxamud Macallin Cabdulle iyo Gudoomiye ku xigeenka Hay’adda Dr Axmed Cabdi Aadan.
Kulanka, ayaa waxaa Wasiirka arrimaha gudaha, Fedaraalka iyo dib u heshiisiinta mudane Axmed Macallim Fiqi lagu siiyay Warbixin kooban oo ku saabsan Howlaha ay Hay’adda SODMA Qabatay lixdii bilood ee lasoo dhaafay ee Arrimaha Gargaarka Abaaraha, Xasilinta, Gurmadkii Musiibadii Zoobe 2 iyo u Gurmashada dadka ku waxyeeloobay shaqaaqadii Lascaanood.
Wasiirka ayaa bogaadiyay shaqada culus ee Hay’adda heyso mudadii koobaneed ee ay shaqeyneysay, asigoo ku amaanay Guddoomiyaha Hay’adda dadaalka u geliyay shaqooyinka hortabinta u leh Hay’adda
Kulanka Gudoomiyaha iyo Wasiir Fiqi ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Agaasime waaxeedyada, iyo La-taliyayaasha Hay’adda.