Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta mudane Ahmed Moallim Fiqi,ayaa goordhow khudbad kajeediyay munaasabadda daahfurka ” ๐๐๐๐๐๐๐ข๐ขโ๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐ ๐๐จ๐จ๐ฆ๐๐๐ฅ๐ข๐ฒ๐” isaga oo hadaljeedintiisa uga hadlay Is-waafajinta Mabaadi’da Nabaddaย iyo Hannaanka dib u heshiisiinta Qaran eeย (NRF).
“๐๐จ๐จ๐ ๐ข๐ฌ๐ญ๐ข๐ข๐ง๐ง๐ ๐ก๐๐ฅ๐ค๐๐ง๐ข,ย ๐ฐ๐๐ฑ๐๐ ๐๐ฒ ๐ก๐จ๐จ๐ฌ๐ญ๐ ๐ค๐ ๐ฑ๐๐ซ๐ข๐ข๐ช๐๐ฒ๐ฌ๐๐ ๐๐๐ฅ๐ฅ๐๐ง๐ช๐๐๐๐ค๐ ๐๐๐ง ๐ฅ๐๐๐ฑ๐ฅ๐๐๐ฑ๐๐๐ค๐ ๐ฅ๐๐ก๐๐ฒ๐ง ๐ข๐ฒ๐จ ๐ ๐จโ๐๐๐ง ๐ฐ๐๐๐๐ฃ๐ข๐ซ ๐๐ก ๐จ๐จ ๐ค๐ฎ ๐ฐ๐๐ฃ๐๐ก๐๐ง ๐ช๐๐๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐ง๐๐๐๐๐๐” ayaa hadalladiisa ka mid ahaa isaga oo intaa raaciyay in dadka madasha ku sugan oo meelo kala duwan iyo dhaqammo kala duwan leh hadana yoolkoodu yahay in nabad iyo xasilooni lagu soo dabaalo Soomaaliya iyo meelo ka baxsan.
Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya mudane Ahmed Moallim Fiqi oo sii hadlaya ayaa sheegay in heyโadda โ Principles for Peaceโ ay u ololeyso nabad-dhiska isaga oo soo qaatay miisaankaย iyo qiimaha ay u yeeleyso ka mid ahaanshiyaha marwo Dr. Khadiija Cosoble Cali ee maamulka sare ee heyโadda iyada oo heyโaddu ka tarjumaya keenidda aragti qiimo leh oo ku aaddan dadaalka wadajirka ah ee nabadda.
Dhanka kale, Mudane Ahmed Moallim Fiqi, Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya waxaa uu sheegay in munaasabadda daahfurka โMabaadiiโda Nabadda ee Soomaaliyaโ ay kusoo aadayso iyada oo Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya ay soo gabogabeysay Dib u eegista Hannaanka Dib u heshiisiinta qaran kaas oo la anisixiyay December sanadkii hore, dhowaanna la daah furaayo.
Ugu dambeyntii, Mudane Ahmed Moallim Fiqi , Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya waxaa uuย hoosta ka xariiqay in ay is-waafaqsan yihiin qodobbada Hannaanka dib u heshiisiinta Qaran eeย (NRF) iyo Mabaadi’da Nabadda, ayna labduba ujeedkoodu yahay kashaqeynta xasillooni iyo nabad waarta.