Thursday, January 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Sii Hayaha Xilka Wasiirka Arrimaha Gudaha Oo Tababar U Soo Xiray Guddiga Maamul U Sameynta Gobolada Dhexe

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Tababarkani oo maalma ka hor magaalada Muqdisho uga Furmay Guddiga Farsamada Maamul u sameynta gobolada Mudug iyo Galgaduud ayaa maanta loo soo gaba gabeeyay, iyadoo 13 kii Bishan uu kala qeyb galay tababarka dar daarana u jeediyay Sii hayaha Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Xukuumadda Soomaaliya  C/llaahi Goodax Barre.

Tababarka ayaa maalmihii uu socday Waxaa Diirada lagu saarayay qaabkii loo wajihi lahaa Dhismaha maamulka gobolada Dhexe,  Iyadoo Todobaadka Soo socda lagu wado in si rasmi ah Gudigani uu  bilaabo  Howsha loo igmaday ee ah in Maamul la isku raacsan loo sameeyo gobolada Dhexe.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

January 28, 2026
Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

January 28, 2026

Sii hayaha Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Mudane Cabdulaahi Goodax barre iyo Xubno kale oo ka tirsan wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa  Xiritaanka tababarka ka qayb galay waxaana uu Wasiirku mar kale la dar daarmay Gudigan in si hufan ay u gutaan waajibaadka shaqo ee laga sugayo.

Xubno ka tirsan Guddiga Farsamada Maamul u sameynta gobolada Mudug iyo Galgaduud ayaa waxaa ay Baaq u jeeediyeen Bulshada Gobolada Maamulka loo sameynayo iyo Dowladda Federaalka ah Iyagoo u soo jeediyay in ay kaalin Muhiim ah ka qaataan Dhismaha maamulkaas.

Mas’uuliyiin kale Duwan ayaa ka hadlay Kulankani lagu soo gaba gabeynayay Tababarka Maalmahan u socday Guddiga Sii hayaha Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Mudane Cabdulaahi Goodax Barre oo gaba gabada ka hadlay ayaa waxaa uu Guddiga u sheegay in looga Fadhiyo in sida ugu dhaqsiyaha  badan ay u guda galaan Howsha loo Xilsaaray islamarkaana ay ku dadaalaan in maamul loo dhan yahay ay dhidibada u aasaan.

Gobolada dalka inta badan Waxaa looga dhawaaqay maamul Goboleeedyo ay saldhig u yihiin dhaqanka Soomaaliyeed waxaana Dowladda Federaalka ah Ee Somaliyana ay hormuud u tahay  dhismaha maamuladaasi.

Previous Post

Xisaabiyaha Guud oo ka hadlay Daahfurnaanta Hantida Qaranka “War-saxaafadeed”

Next Post

Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Next Post

Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

January 28, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa caawa Hoygiisa ku qaabilay wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Wasiir...

Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

January 28, 2026
0

Waxaa maanta kulankoodii ugu horreeyey yeeshay labadii guddi farsamo ee kala matalaya Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed....

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha XFS oo kulan la qaatay George Conway

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha XFS oo kulan la qaatay George Conway

January 28, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Cilmi Cali, ayaa kulan la qaatay...

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Kulan la qaatay Wafdi heer sare ah oo ka socday Midowga Yurub.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Kulan la qaatay Wafdi heer sare ah oo ka socday Midowga Yurub.

January 28, 2026
0

Muqdisho, Arbaco, 28 Jannaayo 2026: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In