War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska xisaabiyaha guud ee Dowladda ayaa lagu sheegay in dhamaan dadka daneynaya in ay wax ka ogaadaan la socodka dhaq dhaqaaqa Hantida Qaranka, Dakhli iyo Kharash intaba inay ka daalacan karaan Website-ka ah www.mof.gov.so halkaasi oo ay ka heli karaan lacagaha soo xerooday iyo kuwa baxay oo uu ku sheegay inay ku baxeen si sharci ah.
War-saxaafadeedka ayaa lagu xusay in lacagaha dowladda u soo xarooday ay ku baxeen si sharci ah, isla markaana aysan jirin wax mugdi ku jira.
Xisaabiyaha guud ee dowladda Axmed Yuusuf Muumin “Siraaji” oo ku saxiixnaa war-saxaafadeedka ka soo baxay xafiiskiisa ayaa lagu sheegay in dadka daneynaya inay wax badan ogaadan arrimahan ka heli karaan cinwaanka aan kor ku soo xusnay, laga bilaabo 01/01/2014 ilaa iyo 30/09/2014 oo ah saddexdii Quarter ee la soo dhaafay, iyadoo inta dhiman webka lagu daabici doono dhamaadka sanadkan.