Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Soomaaliya Mudane Axmed Macalin Fiqi ayaa maanta guddoomiyay kulan guud oo ay kasoo qeybgaleen Agaasime Waaxeedyada iyo Lataliyeyaasha Wasaaradda, kaas oo lagu soo gabagabeeyay kulamada warbixinnadaย waxqabadka Wasaaradda ee 2023-ka iyo ballanqaadyada Wasaaradda ee 2024-ka.
Ugu horreyn, Ku-simaha Agaasimaha Guud ee Wasaaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Cabdicasiis Axmed Gurbiye ayaa sharxay iyada oo lagu shaqeynayo hagidda Wasiirka heerarka howlihii lasoo qabtay, kooxihii kala duwanaa ee ku shaqeynayay iyo natiijada warbixinta, waxaa uuna Agaasimeyaasha, Lataliyeyaasha iyo guud ahaan howlwadeennada uga mahadceliyay sida wadajirka ah ee loo wadasahaqeeyay.
Kulanka inta uu socday waxaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan iyada oo la falanqeeyay natiijada mid weliba.
Ugu dambeyntii, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta mudane Axmed Macallin Fiqi oo ka hadlay gebogabada kulanka ayaa bogaadiyay howlaha la qabtay ee warbixinta 2023, kooxdii kala duwanaa ee kashaqeysay iyo habka diyaarinta ballanqaadyada Wasaaradda ee 2024, isaga oo adkeeyay in aan la aqbali doonin wax gaabis ah oo la xiriira Halbeegyada iyo Howlaha kala duwan ee ku xusan ballanqaadyada 2024-ka.
Wasiirka ayaa xusay ahmiyadda in la gaaro dhammaan hortabinnada Wasaaradda ee la xiriira dowlad-dhiska, Federaaleynta, Dhab u heshiisiinta, doorashooyinka iyo dhammaan howlaha kale ee Qaran.