Monday, September 14, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Boostada Soomaaliya oo la kulmay dhiggiisa Jabuuti

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Boostada Soomaaliya oo la kulmay dhiggiisa Jabuuti
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

JAbuutiWasiirka wasaaradda Boostada Mudane Maxamed Jaamac Mursal (Geelle) oo uu waheliyo agaasimaha Guud ee wasaaradda Mudane Axmed Xaaji Cabdi ayaa safar shaqo ku tagay magaalada Jabuuti ee dalka aynu walaalaha nahay ee Jabuuti.

Wasiirka Geelle ayaa casuumad toos ah ka helay dhiggiisa Mudane Cabdi Yuusuf Suge si ay labada wasaaradood isaga kaashadaan arimo badan oo la xariira hormarka adeegyada Boostada iyo Isgaarsiinta ee labada dal

Related posts

Danjirayaasha Soomaaliya iyo Jamhuuiryadda Kuuriya oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Xiriirka Labada Dal

Danjirayaasha Soomaaliya iyo Jamhuuiryadda Kuuriya oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Xiriirka Labada Dal

September 14, 2026
Wasiirka  Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya

September 14, 2026

Waftigu markii uu gaaray garoonka magaalada Jabuuti waxaa soo dhaweeyey wasiirka wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta dalka Jabuuti Mudane Cabdi Yuusuf Suge iyo Agaasimaha Guud ee dalka Jabuuti Mudane Maxamed Casoowe Buux.

Madaxda labada wasaaradood ayaa kawada hadli doona arimo badan oo ay kamid yihiin iskaaashiga dhinaca Boostada iyo Isgaarsiinta labada dal iyo sidii dawladda Jabuuti uga caawin lahayd wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Soomaaliya dhanka tababarada iyo kobcinta xirfadaha shaqaalaha.

Wasiirka iyo agaasimaha ayaa maalinka barito Axadda soo booqan doona Xarunta wasaaradda iyo meelaha laga maamulo Xarigga Internet-ka (Fiber Optic) oogaaraya illaa lix Xarig meesha dalka Soomaaliya uu ka yaalo mid.

Labada wasiir ayaa bishii May la wareegey xilka labada wasaaradood waxuuna safarkani qayb ka yahay xoojinta xiriirka labada dal ee walaalaha ah

Previous Post

Guddoonka Baarlamaanka oo tacsi diray howl Wadeen ka tirsan barlamaanka oo Muqdisho lagu dilay

Next Post

Wasiirrada Boostada ee Soomaaliya iyo Jabuuti oo ka wada hadlaya iskaashi dhinaca horumarinta Isgaarsiinta ah

Next Post
Wasiirrada Boostada ee Soomaaliya iyo Jabuuti oo ka wada hadlaya iskaashi dhinaca horumarinta Isgaarsiinta ah

Wasiirrada Boostada ee Soomaaliya iyo Jabuuti oo ka wada hadlaya iskaashi dhinaca horumarinta Isgaarsiinta ah

Danjirayaasha Soomaaliya iyo Jamhuuiryadda Kuuriya oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Xiriirka Labada Dal

Danjirayaasha Soomaaliya iyo Jamhuuiryadda Kuuriya oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Xiriirka Labada Dal

September 14, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Kuuriya u fadhiya Kenya iyo Soomaaliya ahna Mudane Kang Hyung-Shik, ayaa booqasho shaqo ku yimid xarunta Safaaradda Soomaaliya...

Wasiirka  Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya

September 14, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Jaamacadda Carabta ee...

Ganacsatada Soomaaliyeed oo la dhiirigelinayo

Ganacsatada Soomaaliyeed oo la dhiirigelinayo

September 14, 2026
0

Waxaa Soomaaliya laga hirgelinayaa qorshe cusub oo lagu taageerayo ganacsatada yar-yar ee Soomaaliyeed, kaas oo diiradda saaraya sidii loo fududeyn...

Guddiga Maaliyadda ee Aqalka Sare ee BJFS oo qaabilay masuuliyiin ka socotay Wasaaradda Maaliyadda

Guddiga Maaliyadda ee Aqalka Sare ee BJFS oo qaabilay masuuliyiin ka socotay Wasaaradda Maaliyadda

September 14, 2026
0

Guddiga Dhaqaalaha, Maaliyadda, Ganacsiga, Warshadaha, Isgaarsiinta iyo Dalxiiska ee Aqalka Sare ee BJFS, oo gudanaya waajibaadkooda dastuuriga ah, ayaa maanta...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In