Tuesday, October 20, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirrada Boostada ee Soomaaliya iyo Jabuuti oo ka wada hadlaya iskaashi dhinaca horumarinta Isgaarsiinta ah

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Wasiirrada Boostada ee Soomaaliya iyo Jabuuti oo ka wada hadlaya iskaashi dhinaca horumarinta Isgaarsiinta ah
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka wasaaradda Boostada Mudane Maxamed Jaamac Mursal (Geelle) oo uu waheliyo agaasimaha guud ee wasaaradda Mudane Axmed Xaaji Cabdi ayaa safar shaqo ku jooga magaalada Jabuuti ee dalka aynu walaalaha nahay ee Jabuuti. Wasiirka Geelle ayaa casuumad toos ah ka helay dhiggiisa Mudane Cabdi Yuusuf Suge si ay labada wasaaradood isaga kaashadaan arrimo badan oo la xariira horumarka adeegyada Boostada iyo Isgaarsiinta ee labada dal.

Wafdigu markii uu gaaray garoonka magaalada Jabuuti waxaa soo dhaweeyey wasiirka wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta dalka Jabuuti Mudane Cabdi Yuusuf Suge iyo Agaasimaha guud ee dalka Jabuuti Mudane Maxamed Casoowe Buux.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Madaxda labada wasaaradood ayaa kawada hadli doona arrimo badan oo ay ka mid yihiin iskaaashiga dhinaca Boostada iyo Isgaarsiinta labada dal iyo sidii dawladda Jabuuti uga caawin lahayd wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Soomaaliya dhanka tababarada iyo kobcinta xirfadaha shaqaalaha.

Wasiirka iyo agaasimaha ayaa maanta oo Axada booqan doona Xarunta wasaaradda iyo meelaha laga maamulo Xarigga Internet-ka (Fiber Optic) oo gaaraya illaa lix Xarig meesha dalka Soomaaliya uu ka yaalo mid.

Labada wasiir ayaa bishii May la wareegey xilka labada wasaaradood waxuuna safarkani qayb ka yahay xoojinta xiriirka labada dal ee walaalaha ah

Previous Post

Wasiirka Boostada Soomaaliya oo la kulmay dhiggiisa Jabuuti

Next Post

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhagayso Warka Habeen Ee Radio Muqdisho

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In