Tuesday, January 13, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Caafimaadka Galmudug oo daahfuray Shirka isku xirka mashaariicda caafimaadka Galmudug.

admin by admin
5 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Caafimaadka Galmudug oo daahfuray Shirka isku xirka mashaariicda caafimaadka Galmudug.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Galmudug Dr. Abdiwali Abdulahi jaamac ayaa maanta si rasmi ah u daah furay shirka isku xirka mashaariicda Caafimaadka Galmudug oo ay magaalada Dhuusamareeb mudo labo cisho ah kaga qayb gali doonaan dhamaan hey’addaha ka shaqeeya Caafimaadka, Nafaqada iyo fayadhowrka ee ka howlgala Deegaanada Galmudug.

Kulankan ayaa dib loogu eegayo wax qabadkii sadaxdii bilood ee lasoo dhaafey ee Arimaha Caafimaadka, Nafaqada iyo fayadhowrka, iyadoo lagu Soo bandhigayo culeesyada jira iyo meelaha aan wali wax laga qaban ee u baahan in lagu daro qorshaha sadaxda bilood ee soo aadan

Related posts

Diyaaradaha Yuhuudda oo duqeeyay Falastiin

Deegaanka Jabad Godone oo lagu duqeeyey Horjoogayaal ka tirsan khawaarijta.

January 13, 2026
Wasiiru-dowlaha Tacliinta Sare XFS oo ka qeybgashay daah-furka mashruuc muhiim ah

Wasiiru-dowlaha Tacliinta Sare XFS oo ka qeybgashay daah-furka mashruuc muhiim ah

January 12, 2026

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Galmudug dr. Abdiwali Maxamed Axmed ayaa furitaanka shirkan sharaxaad ka siiyey wasiirka iyo kasoo qaybgalayaasha xogaha la uruuriyey ee muujinaya heerka Caafimaadka Nafaqada Iyo fayadhowrka oo dadaal badan la galiyey sadaxdii bilood ee lasoo dhaafey, iyadoo la kaahshanaya macluumaadka ay uruuriyeen hey’addaha taageera Wasaaradda ee Kulankan kasoo qayb galey, iyo qodobadii la iskula meel dhigey shirkii kan ka horeeyay ee dhacey April.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Galmudug Dr. Abdiwali Abdulahi jaamac oo gunaanadka munaasabada daah furka shirkan warbaahinta la hadley ayaa sheegay in shirkan muhiimadiisu tahay in looga faa’iideysta gabangabadiisa in laga soo saaro qodobo la isla fahmey oo fulintooda ay kawada shaqeeyaan hey’addaha iyo Wasaaradda Caafimaadka.

Wasaaradda Caafimaadka Galmudug ayaa sadaxdii biloodba mar qabata Shir nuucaan oo kale ah si loo helo Xogta caafimaad iyo isbadalada jira ee soo kordhay kadib shirkii hore waxaana shirkan sadax biloodlaha ah ah lagu koobaa qodobada fuley iyo kuwa aan fulin ee kujiray dhamaan macluumaadkii lagu soo bandhigay shirkii kan ka horeeyay.

Previous Post

Ra’iisul Wasaaraha XFS iyo Madaxweynaha Hirshabeelle oo iska afgartay Shirka Wadatashiga Qaran.

Next Post

Maamulka Degmada Xuddur oo xariga ka jaray mashruuca dhismaha ceel biyood

Next Post
Maamulka Degmada Xuddur oo xariga ka jaray mashruuca dhismaha ceel biyood

Maamulka Degmada Xuddur oo xariga ka jaray mashruuca dhismaha ceel biyood

Diyaaradaha Yuhuudda oo duqeeyay Falastiin

Deegaanka Jabad Godone oo lagu duqeeyey Horjoogayaal ka tirsan khawaarijta.

January 13, 2026
0

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa xalay fuliyay howlgal cirka ah oo ka dhacay deegaanka Jabad Godone...

Wasiiru-dowlaha Tacliinta Sare XFS oo ka qeybgashay daah-furka mashruuc muhiim ah

Wasiiru-dowlaha Tacliinta Sare XFS oo ka qeybgashay daah-furka mashruuc muhiim ah

January 12, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Marwo Nuura Mustafa Mukhtaar, ayaa ka qeybgashay munaasabadda daahfurka Mashruuca Tamarta la Cusboonaysiin...

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Shaqada XFS oo safar shaqo ku tegay  Turkiga

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Shaqada XFS oo safar shaqo ku tegay Turkiga

January 12, 2026
0

Wafdi heer sare ah oo ka socda Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee JFS, oo uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda, Mudane...

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha SoDMA oo gaaray Dhoobley

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha SoDMA oo gaaray Dhoobley

January 12, 2026
0

Wafdi ay hoggaaminayaan Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, iyo Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In