Monday, March 16, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Caafimaadka Galmudug oo daahfuray Shirka isku xirka mashaariicda caafimaadka Galmudug.

admin by admin
5 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Caafimaadka Galmudug oo daahfuray Shirka isku xirka mashaariicda caafimaadka Galmudug.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Galmudug Dr. Abdiwali Abdulahi jaamac ayaa maanta si rasmi ah u daah furay shirka isku xirka mashaariicda Caafimaadka Galmudug oo ay magaalada Dhuusamareeb mudo labo cisho ah kaga qayb gali doonaan dhamaan hey’addaha ka shaqeeya Caafimaadka, Nafaqada iyo fayadhowrka ee ka howlgala Deegaanada Galmudug.

Kulankan ayaa dib loogu eegayo wax qabadkii sadaxdii bilood ee lasoo dhaafey ee Arimaha Caafimaadka, Nafaqada iyo fayadhowrka, iyadoo lagu Soo bandhigayo culeesyada jira iyo meelaha aan wali wax laga qaban ee u baahan in lagu daro qorshaha sadaxda bilood ee soo aadan

Related posts

Tartamayaasha Hodan oo caawa u gudbay wareegga kama dambeysta ah ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Hodan oo caawa u gudbay wareegga kama dambeysta ah ee tartanka “SAWIRRO”

March 16, 2026
Tartamayaasha Gubadley oo caawa u gudbay wareegga kama dambeysta ah ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Gubadley oo caawa u gudbay wareegga kama dambeysta ah ee tartanka “SAWIRRO”

March 15, 2026

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Galmudug dr. Abdiwali Maxamed Axmed ayaa furitaanka shirkan sharaxaad ka siiyey wasiirka iyo kasoo qaybgalayaasha xogaha la uruuriyey ee muujinaya heerka Caafimaadka Nafaqada Iyo fayadhowrka oo dadaal badan la galiyey sadaxdii bilood ee lasoo dhaafey, iyadoo la kaahshanaya macluumaadka ay uruuriyeen hey’addaha taageera Wasaaradda ee Kulankan kasoo qayb galey, iyo qodobadii la iskula meel dhigey shirkii kan ka horeeyay ee dhacey April.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Galmudug Dr. Abdiwali Abdulahi jaamac oo gunaanadka munaasabada daah furka shirkan warbaahinta la hadley ayaa sheegay in shirkan muhiimadiisu tahay in looga faa’iideysta gabangabadiisa in laga soo saaro qodobo la isla fahmey oo fulintooda ay kawada shaqeeyaan hey’addaha iyo Wasaaradda Caafimaadka.

Wasaaradda Caafimaadka Galmudug ayaa sadaxdii biloodba mar qabata Shir nuucaan oo kale ah si loo helo Xogta caafimaad iyo isbadalada jira ee soo kordhay kadib shirkii hore waxaana shirkan sadax biloodlaha ah ah lagu koobaa qodobada fuley iyo kuwa aan fulin ee kujiray dhamaan macluumaadkii lagu soo bandhigay shirkii kan ka horeeyay.

Previous Post

Ra’iisul Wasaaraha XFS iyo Madaxweynaha Hirshabeelle oo iska afgartay Shirka Wadatashiga Qaran.

Next Post

Maamulka Degmada Xuddur oo xariga ka jaray mashruuca dhismaha ceel biyood

Next Post
Maamulka Degmada Xuddur oo xariga ka jaray mashruuca dhismaha ceel biyood

Maamulka Degmada Xuddur oo xariga ka jaray mashruuca dhismaha ceel biyood

Tartamayaasha Hodan oo caawa u gudbay wareegga kama dambeysta ah ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Hodan oo caawa u gudbay wareegga kama dambeysta ah ee tartanka “SAWIRRO”

March 16, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Tartamayaasha Gubadley oo caawa u gudbay wareegga kama dambeysta ah ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Gubadley oo caawa u gudbay wareegga kama dambeysta ah ee tartanka “SAWIRRO”

March 15, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Hay’adda SoDMA oo biyo dhaamin ka bilowday Baydhabo

Hay’adda SoDMA oo biyo dhaamin ka bilowday Baydhabo

March 15, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee, oo kaashaneysa Wasaaradda Gargaarka dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, ayaa maanta magaalada Baydhabo waxa ay ka...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Isku-duwaha Arrimaha Beni’aadamnimada ee QM

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Isku-duwaha Arrimaha Beni’aadamnimada ee QM

March 15, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta xarunta SoDMA ku qaabilay Isku-duwaha Arrimaha Beni’aadamnimada ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In