Tuesday, March 24, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Caafimaadka oo ka qeyb gashay xuska sanad guurada labaad ee dib u howlgelinta Isbitaalka Banaadir “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Caafimaadka oo ka qeyb gashay xuska sanad guurada labaad ee dib u howlgelinta Isbitaalka Banaadir “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Caafimaadka iyo mas’uuliyiin kale ayaa  ka qeyb galay munaasabad lagu xusayey sanadguuradii Labaad ee kasoo wareegatay dardargelinta Howlaha Isbitaalka Banaadir

Fulinta Qaliimo muhiima oo guuleystay, in ka badan Boqol, Shan iyo Labaatan kun oo bukaan oo isugu jira Hooyooyin iyo dhallaan oo loogu shaqeeyay si lacag la’aana, soo kordhinta dhismooyin cusub oo tayo leh, dhiirigelinta iyo soo saaridda dhaqaatiir da’yar waa qeyb ka mida shaqooyinka hufan oo ay qabteen maamulka iyo shaqaalaha Isbitaalka Hooyada iyo dhallaanka Banaadir oo maanta u dabaaldagaya sanadguuradii labaad ee dardargelinta isbitaalka, iyadoo munaasabad si weyn loo soo agaasimay ay ka qeyb galeyn mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, dhaqaatiir, culumaa’udiin iyo marti sharaf kale.

Related posts

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo maamul cusub u magacawday degmada Waajid

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo maamul cusub u magacawday degmada Waajid

March 24, 2026
Tababar lagu baranaayo aqoonta beeraha oo Muqdisho ka socda

Tababar lagu baranaayo aqoonta beeraha oo Muqdisho ka socda

March 24, 2026

Agaasimaha Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka ee Banaadir Fartuun Shariif Maxamed ayaa ugu horeyn si kooban uga hadashay waxyaabihii u qabsoomay sanadkii tegay, iyadoo tilmaamtay in sanadka soo socodana uu isbitaalku hiigsanaayo mid ka sii balaaran.

Sheekh Cabdi Xayi  Sheekh Aadan iyo Dr. Luul Maxamuud Maxamed ayaa ku taliyay in la garab istaago bahda Isbitaalka Banaadir oo bulshada u haya shaqo adag.

Agaasimaha arrimaha bulshada ee xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Maryan Aadan Amiin ayaa sheegtay in lagu guuleystay hadafkii dib loogu howlgaliyay Isbitaalka Hooyada iyo dhallaanka ee Banaadir.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Fowsiya Abiikar Nuur oo munaasabada soo xirtay ayaa ku baaqday in la isku tashado oo si weyn looga qeyb qaato dhismaha Isbitaalka Banaadir oo ah madasha loogu adeego Dadka bulshada ugu nugul.

Gabgabadii ayaa waxaa munaasabadda lagu bixiyey abaalmarino iyo shahaadooyin ka tarjumaya shaqooyinkii wanaagsanaa ee la qabtay labadii sano ee lasoo dhaafay.

Previous Post

Madaxweyne Farmaajo oo khudbad ka jeediyey kulanka 4-aad ee gaarka ah Kal-fadhiga 8-aad ee Golaha Shacabka “SAWIRRO”

Next Post

Xuska Maalinta caalamiga ah ee u dulqaadasho la’aanta gudniinka gabdhaha oo lagu qabtay Muqdisho “SAWIRRO”

Next Post
Xuska Maalinta caalamiga ah ee u dulqaadasho la’aanta gudniinka gabdhaha oo lagu qabtay Muqdisho “SAWIRRO”

Xuska Maalinta caalamiga ah ee u dulqaadasho la’aanta gudniinka gabdhaha oo lagu qabtay Muqdisho “SAWIRRO”

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo maamul cusub u magacawday degmada Waajid

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo maamul cusub u magacawday degmada Waajid

March 24, 2026
0

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS) ayaa si rasmi ah u magacawday maamulka...

Tababar lagu baranaayo aqoonta beeraha oo Muqdisho ka socda

Tababar lagu baranaayo aqoonta beeraha oo Muqdisho ka socda

March 24, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS. Eng.Maxamed Xassan Cabdulle ayaa furay tababar aqoon kororsi ah oo ku saabsan...

Wasaaradda Ganacsiga XFS oo dhiirrigalinaysa kordhinta wax-soo-saarka gudaha

Wasaaradda Ganacsiga XFS oo dhiirrigalinaysa kordhinta wax-soo-saarka gudaha

March 24, 2026
0

Wasiirka wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha dowladda FS mudane Jamaal Maxamed Xassan ayaa sheegay in wasaaraddu gacanta ku hayso siyaasad diyaarinta...

Ciidanka Kumaandooska Gorgor oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Gobalka Shabeellada Dhexe

Ciidanka Kumaandooska Gorgor oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Gobalka Shabeellada Dhexe

March 23, 2026
0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Kumaandooska Gorgor, ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno hoos yimaada Warciise ee gobolka Shabeellaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In