Sunday, January 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Caafimaadka oo sheegay in dhaawacyada cul culus dalka dibadiisa loo qaadayo

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
DAAWO SAWIRRADA: Saraakiisha ciidanka oo ka hadlay Qaraxii ka dhacay inta u dhexeysa Ilinka Madaxtooyada iyo Hotel SYL
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Caafimaadka Xumaadda Soomaaliya ayaa booqday Isbitaalada Benaadir iyo Madiina  halkaasi oo ah goobaha la geeyay dadkii ku dhaawacmay weerarkii maanta, ka dhacay aga gaarka Hotel SYL.

Mudane Maxamed Xaaji Cabdinuur ayaa dhaawacyada ku booqday qolalka ay ku jireen, waxaana uu ehelada dadkii ku dhaawacmay weerarka ka xogwareystay sida ay xaaladooda caafimaad tahay.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamse oo agaasime guud magacaabay

Ra’iisul Wasaare Xamse oo agaasime guud magacaabay

January 25, 2026
Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgal ku dilay horjeege ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgal ku dilay horjeege ka tirsan Khawaarijta

January 25, 2026

Agaasimaha isbitaalka Madiina Dr Maxamed Yuusuf ayaa sheegay in 28 qof oo dhaawacyo ah la soo gaarsiiyay isbitaalka, kuwaasi oo labo ka mid ah ay geeriyoodeen, halka lix kalena ay dib ugu laabteen guryahooda, iyadoo 20 kalena iminka lagu dabiibayay isbitaalka.

Wasiirka Caafimaadka ee Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xaaji Cabdinuur ayaa sheegay in dhaawacyada gudaha dalka wax looga qaban Karin xaaladooda caafimaad ay gacan ka geysanayaan sidii caafimaad dibadda ah loogu qaadi lahaa, isagoo shacabka uga tacsiyadeeyay dadkii falkaasi ku dhintay.

“Wasaaradda caafimaadka waxa ay diyaar u tahay in dhaawacyada daran loo qaado dalka dibadiisa, shacabkana waxaan u sheegeynaa in aan garabkooda taaganahay, oo aan la qeybsaneyno xanuunka” ayuu yiri Wasiirka Caafimaadka.

Previous Post

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post

Dowladda Mareykanka oo Soomaaliya ka taageereyso dhanka tayaynta waxbarashada

Next Post
Dowladda Mareykanka oo Soomaaliya ka taageereyso dhanka tayaynta waxbarashada

Dowladda Mareykanka oo Soomaaliya ka taageereyso dhanka tayaynta waxbarashada

Ra’iisul Wasaare Xamse oo agaasime guud magacaabay

Ra’iisul Wasaare Xamse oo agaasime guud magacaabay

January 25, 2026
0

  RADIO MUQDISHO:-Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa Agaasimaha Guud Arrimaha Dastuurka ee Wasaaradda Caddaaladda...

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgal ku dilay horjeege ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgal ku dilay horjeege ka tirsan Khawaarijta

January 25, 2026
0

RADIO MUQDISHO(SHABEELLADA HOOSE):-Ciidamada Xoogga Dalka oo sii wada howlgallada lagu baacsanayo maleeshiyada Khawaarijta ayaa dilay horjooge lagu magacaabo Timaweyne, ka...

Bannaabax looga soo horjeedo xagudubka Israa’iil oo ka dhacay Muqdisho

Bannaabax looga soo horjeedo xagudubka Israa’iil oo ka dhacay Muqdisho

January 24, 2026
0

Bannaan bax looga soo horjeedo faragelinta Isra’iil ay ku sameysay dalkeenna ayaa ka dhacay degmada Heliwaa ee Gobolka Banaadir. Bannaan...

Geesiyaasha Ciidanka XDS oo biyo dhaamin u sameeyay qoysas biyo la’aan saameysay

Geesiyaasha Ciidanka XDS oo biyo dhaamin u sameeyay qoysas biyo la’aan saameysay

January 24, 2026
0

Geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa toddobaadkan mar kale muujiyay kaalintooda beni’aadannimo, kaddib markii ay biyo-dhaamin degdeg ah u sameeyeen...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In