Wednesday, April 8, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Caafimaadka oo xarigga ka jartay xarun caafimaad oo laga horgeliyay Beladweyne “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Caafimaadka oo xarigga ka jartay xarun caafimaad oo laga horgeliyay Beladweyne “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabadda xarigga looga jarayay xarunta cusub ee Caafimaadka ayaa waxaa goob jooga ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Caafimaada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Fowsiya Abiikar Nuur, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Hirshabeele Muxyadiin Mukhtaar Macalin, Duqa Magaalada Beladweyne Nadar Tabaax Maalin, Madaxa Xafiiska Qatar Charity ee Soomaaliya Cabdiiuur Xaaji Cali Mursal.

Ugu horayn Madaxa Xafiiska Qatar Charity ee Soomaaliya Cabdinuur Xaaji Cali Mursal ayaa tilmaamay in Xarunta ay Maanta Xariga ka jarayaan ay macno way ugu fadhido reer Beladweyne, baahi wayna loo qabay in laga hirgaliyo goobtan, waxaana uu intaa ku daray in xarunta ay bixin doonta adeeg dhanka caafimaadka ah, uuna maalgaliyay qof reer Qatar ah oon waxba ka aqoonin Beladweyne  iyo meesha ay ku taal, lakiin muhumada uu kalahaa ay tahay in ay ku badbaadaan Dadka Soomaaliyeed ee baahida u qabo adeeg Caafimaad.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shahaadooyin guddoonsiiyey  ka qaybgalayaasha Aqoon-kororsiga Warbaahinta Nabadda

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shahaadooyin guddoonsiiyey ka qaybgalayaasha Aqoon-kororsiga Warbaahinta Nabadda

April 8, 2026
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Soomaaliya oo soo dhaweysay Heshiiska Xabbad-joojinta ee u dhexeeya Maraykanka iyo Iiraan

April 8, 2026

Duqa Magaalda Beladweyne Nadar Tabaax Maalin ayaa boogaadisay howlaha Hay’adda Qatar Charity ka hayso Soomaaliya iyadoo tilmaantay in Xarunta ay baahi wayn u qabeen dadka deegaanka,  ayna rajaynayaan in ay wax badan ka jawaabi doonta baahiyiha Caafimaad ee ka taagnaa Gobolka.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Hirshabeele Muxyadiin Mukhtaar Macalin ayaa hadal uu munaasbadda ka jeediyay ku sheegay ahmiyadda ay leedahay Xaruntan oo kale oo si gaar ah loogu shaqaynayo Hooyada iyo Dhallaanka, kuwaas oo ah qaybaha aadka ugu nugul cudurada,

“Baahida caafimaad ma ahan mid Beladweyne ku kooban ee dhamaan degmooyinka Dowalad Gobaleedka Hirshabeelle ayaa ka midaysan, sidaas darted waxaan ka rajaynyanaa Qatar Charity iyo Wasaaradda Caafimaadka Heer Federaal inay gacan nagu sii siiyaan ka jawaabidda baahiyaha caafimaad.” Ayuu yiri Muxyadiin.

Ugu danbayntii Wasiirka Wasaaradda Caafimaada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya Dr Fowsiya Abiikar Nuur ayaa uga mahadcelisay Hay’adda Qatar Charity howlaha balaaran ay ka hayso Soomaaliya, iyadoo si gaar ah duco iyo Mahad u jeedisay Sama falaha Qatar ee sababta u ahaa in mashruucan hirgal,  iskana lahaa Lacagtii lagu dhisay Xaruntan.

Wasiirks ayaa sidoo kale tilmaamtay in Magaalada Beladweyne ay baahi wayn u qabto Xarumo noocan oo kale , si loo wajaho dhibaatada caafimaad darri ee ka dhalata fatahaadda joogtada ah ee uu sameeyo Wabiga Shabeelle.

Xarunta ayaa waxay ka koobantahay Rug Caafimaad oo ka kooban 10 Qol iyo Masjid loogu talagalay inay ku tuktaan ku dhawaad 500 oo qof.

Ma ahan ma arkii ugu horaysay ee hay’adda Qatar Charity ka hirgaliso Xarun Caafimaad gudaha Soomaaliya, iyadoo horay Xarumo Caafimaad uga hiragliya magaalooyinka Muqdisho , Baydhabo, Buur-Hakaba, Kismaayo, Beld-Xaawo, Afgooye, Balcad, Gaalkacyo, Caabudwaaq, tuulada Dalsan ee Gobolka Nugaal.

Previous Post

Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Oo dhagax dhigay bilowga dhismaha Jaamacada Cadaado+Sawirro

Next Post

Shirweynihii dhallinyarada Galmudug oo lagu soo Gabagabeeyay Dhuusamareeb+Sawirro

Next Post
Shirweynihii dhallinyarada Galmudug oo lagu soo Gabagabeeyay Dhuusamareeb+Sawirro

Shirweynihii dhallinyarada Galmudug oo lagu soo Gabagabeeyay Dhuusamareeb+Sawirro

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shahaadooyin guddoonsiiyey  ka qaybgalayaasha Aqoon-kororsiga Warbaahinta Nabadda

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shahaadooyin guddoonsiiyey ka qaybgalayaasha Aqoon-kororsiga Warbaahinta Nabadda

April 8, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, mudane Daud Aweis , iyo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, mudane Cabdihakim...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Soomaaliya oo soo dhaweysay Heshiiska Xabbad-joojinta ee u dhexeeya Maraykanka iyo Iiraan

April 8, 2026
0

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo ka mid ah dalalka xubnaha ka ah Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, waxay si diirran u...

Madaxweynaha JFS oo soo gabagabeeyay wadatashiyo siyaasadeed iyo kulamo dib u heshiisiineed oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed

Madaxweynaha JFS oo soo gabagabeeyay wadatashiyo siyaasadeed iyo kulamo dib u heshiisiineed oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed

April 8, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo gabagabeeyay wada-tashiyo siyaasadeed iyo kulamo dib u heshiisiineed oo uu...

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo kulan la qaatay Raisedon Zenenga

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo kulan la qaatay Raisedon Zenenga

April 8, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa la kulmay Mudane Raisedon Zenenga, Ku simaha Madaxa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In