Thursday, January 8, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya Oo Deeq Dawo ah Ka Guddoomay WHO

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
3 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya Oo Deeq Dawo ah Ka Guddoomay WHO
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Guddiga gurmadka Qaran ee Xukuumadda Dr Cali Xaaji Aadan, ayaa Ururka Caafimaadka Adduunka ee WHO kala wareegey deeq Dawo ah oo qeyb ka ah Gurmadka dhaawacyadii ka dhashey Qaraxyadii 29-kii October ka dhacay isgoyska Soobe ee Magaalada Muqdisho.

Wasiirka oo ay wehlinayeen Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Dr Maxamed Xasan Maxamed iyo Guddoomiyaha Guddiga Gurmadka ee Wasaaradda Caafimaad Dr Guuleed Cabdijaliil Cali ayaa la wareegey 39 Tan oo Dawo ah oo qeyb ka noqoneysa Gurmadka Masiibadii Zoobe oo ilaa hadda socota howlaha la xiriira gurmadka.

Related posts

Guddoomiyaha Sh/Dhexe oo gaaray Wargaadhi kadib jabkii Khawaarijta.

Guddoomiyaha Sh/Dhexe oo gaaray Wargaadhi kadib jabkii Khawaarijta.

January 8, 2026
Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

January 8, 2026

Wafdiga gurmadka Soogaarsiiyey Soomaaliya ee ka socdey WHO, ayaa hoggaaminayey Mamunu Rahman Maliki Madaxa WHO ee Soomaaliya waxa uuna xusey in Dawadaan ay ugu talagaleen gurmadka dhaawacyadii ka dhashey Qaraxyadii Argagixisanimo ee 29-October lala eegtey Xarunta Wasaaradda Waxbarashada iyo Isgoyska Soobe oo ah meel ay u badan yihiin Shacabka masaakiinta ah.

Dr Cali Xaaji Aadan Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ahna guddoomiyaha guddiga Gurmadka Qaran ee Xukuumadda Dr Cali Xaaji Aadan, ayaa Ururka Caafimaadka Adduunka ee WHO ” Waxaan idinkaga mahadcelinaynaa sida markasto u garabtaagan tihiin Soomaaliya iyo sida gaarka ah oo aad ugu qeyb qaateen gurmadka qasaarihii ka dhashey Qaraxyadii Nabaddiida ay ka geysteen Muqdisho”.






Previous Post

Wasiirka Amniga Gudaha Oo Kulan Duco Ah U Sameeyay Shuhadadii Soobe laba

Next Post

 Deeq Kala Duwan Oo Lagu Wareejiyay SoDMA

Next Post
 Deeq Kala Duwan Oo Lagu Wareejiyay SoDMA

 Deeq Kala Duwan Oo Lagu Wareejiyay SoDMA

Guddoomiyaha Sh/Dhexe oo gaaray Wargaadhi kadib jabkii Khawaarijta.

Guddoomiyaha Sh/Dhexe oo gaaray Wargaadhi kadib jabkii Khawaarijta.

January 8, 2026
0

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Dhexe Maxamuud Maxamed Nuur iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Janaraal Xasan Dhicisow, ayaa gaaray deegaanka...

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

January 8, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Janaraal Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa booqasho kormeer ah ku tagay degmada Matabaan ee...

Munaasabad lagu dhiirrigelinayo Saraakiisha amniga KGS oo lagu qabtay Baydhabo.

Munaasabad lagu dhiirrigelinayo Saraakiisha amniga KGS oo lagu qabtay Baydhabo.

January 8, 2026
0

Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa lagu qabtay munaasabad lagu dhiirrigelinayay saraakiisha booliska...

Culimada Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika oo Cambaareeyay Faragelinta YH-da ee dalkeenna.

Culimada Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika oo Cambaareeyay Faragelinta YH-da ee dalkeenna.

January 8, 2026
0

Culimada Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Koonfur Afrika ayaa si adag u cambaareeyay faragelinta qaawan ee ay YH-da Israa’11l ku...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In