Monday, January 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Caafimaadka XFS oo daah-furay ololaha tallaalka cudurka Dabeysha “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Caafimaadka XFS oo daah-furay ololaha tallaalka cudurka Dabeysha “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan ayaa maanta daahfurey Ololaha Tallaalka Cudurka Dabeysha oo 24 Janaayo ka billowdey dalka kuna eg 28-ka isla bishan aynu ku guda jirno ee Janaayo.

Ololaha Tallaalka Cudurka Dabeysha ayaa si toos ah uga billowdey guud ahaan dalka oo dhan gaar ahaan afar (4) Maamul Goboleed iyo Gobolka Banaadir, taasoo tirooyinka degmooyinka la gaari doono ay tahay 81 degmo, iyadoo sidoo kalena la gaar siin doono Tallaalkaas carruurta shanta (5) sano ka yar oo tiradoodu ay gaareyso labo millyan iyo todobo boqol oo kun ( 2,700,000) Carruur Soomaaliyeed ah.

Related posts

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

January 11, 2026
Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

January 11, 2026

Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukumadda Federaalka Soomaaliya waxay soo jeedisay lana magacaabay Guddiga Qaran ee Tallaalka iyo Dabar goynta Cudurka Dabeysha kaasoo uu Guddoomiye u yahay Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre oo ayna ku jiraan Wasiirka Caafimaadka Federaalka, Wasiirada Caafimaadka ee heer dowlad Goboleed, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Deeqbixiyaasha iyo Hey’addaha ka shaqeeya arrimaha Tallaalka..

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an gaarista goob kasta oo ay kaga nool yihiin Carruurta Soomaaliyeed gudaha dalka si ay u helaan adeegga Caafimaaadka Tallaalka taasoo laf dhabar u ah howlaha adeeg bixinta ee loo igmaday Wasaaradda.






Previous Post

NISA: Howlgal qorsheysan oo lagu dilay in ka badan 30 ka tirsan Khawaarijta

Next Post

Guddoomiye Sheekh Aadan oo shir guddoomiyay kulanka Guddiyada Joogtada

Next Post
Guddoomiye Sheekh Aadan oo shir guddoomiyay kulanka Guddiyada Joogtada

Guddoomiye Sheekh Aadan oo shir guddoomiyay kulanka Guddiyada Joogtada

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

January 11, 2026
0

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa maanta qabtay kulan lagu soo bandhigayay Natiijada Qiimeynta iyo Hubinta Hufnaanta Qabashada, Xisaabinta iyo...

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

January 11, 2026
0

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Belgium ayaa maanta qabtay muddaharaad ay kaga soo horjeedeen faragalinta qaawan Isra'iil ee ka dhanka ah...

Guddoomiyaha SoDMA oo Golaha Aqalka Sare BJFS uga warbixiyay xaaladaha abaaraha dalkeenna

Guddoomiyaha SoDMA oo Golaha Aqalka Sare BJFS uga warbixiyay xaaladaha abaaraha dalkeenna

January 11, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Somali and Tunisian Foreign Ministers Discuss Israel’s Unlawful Recognition of Somaliland

Wasiirka Arrimaha dibedda XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay dhiggiisa Dalka Tunisia

January 11, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa galabnimadii Sabtida kulan kula...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In