Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Caafimaadka XFS oo ka qeybgalay shirka Guddiga Fulinta ee Hay’adda Caafimaadka Adduunka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 months ago
in Wararka
0
Wasiirka Caafimaadka XFS oo ka qeybgalay shirka Guddiga Fulinta ee Hay’adda Caafimaadka Adduunka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee JFS, Dr Cali Xaaji Aadam Abubakar iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka qayb galay furitaanka Shirka 158-aad ee Guddiga Fulinta Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO), kaas oo si rasmi ah uga furmay magaalada Geneva ee dalka Switzerland.

Shirkan, oo sanadkiiba mar la qabto, ayaa ah madal muhiim ah oo lagu dejiyo jihada, go’aannada iyo siyaasadaha hannaanka caafimaadka dunida.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Soomaaliya ayaa kamid ah 34-ta dowladood ee xubnaha ka ah Executive Board-ka WHO, taas oo muujinaysa kaalinta iyo codka ay Soomaaliya ku leedahay go’aannada heer caalami ee caafimaadka.

Ka qaybgalka Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa xoojinaya doorka firfircoon ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee hoggaaminta, iskaashiga, iyo horumarinta nidaamka caafimaadka dunida, iyadoo mudnaanta la siinayo danaha iyo baahiyaha caafimaad ee shacabka Soomaaliyeed.

Previous Post

MCC oo ku guuleysatay Koobka Jeneraal Daa’uud

Next Post

Duqeymo culus oo laga fuliyey deegaano hoostago Masaajid Cali Gaduud.

Next Post
Duqeymo culus oo laga fuliyey deegaano hoostago Masaajid Cali Gaduud.

Duqeymo culus oo laga fuliyey deegaano hoostago Masaajid Cali Gaduud.

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In