Wednesday, March 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Caafimaadka XFS oo xariga ka jartay qeybta daryeelka  Carruurta ee Isbitaal Banaadir

Mulki Abdirahim Hassan by Mulki Abdirahim Hassan
4 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Caafimaadka XFS oo xariga ka jartay qeybta daryeelka  Carruurta ee Isbitaal Banaadir
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa xariga ka jartay qeybta daryeelka  Carruurta ee Isbitaal Banaadir oo dib u dayactir lagu sameeyay

Maamulka Isbitaalka Hooyada iyo Dhallanka ee Banaadir iyo Afar iyo Toban Jaamacaood ayaa iska kaashaday dib u dayactirka xaruuntan oo ah qeybta daryeelka  Carruurta taas oo ka kooban Shan qeybood oo lagu fulin doono shaqooyinka maalinlaha ah ee uu isbitaalku u qabto bulshada kuwooda ugu nugul.

Related posts

Barnaamijka Horumarinta Beeraha iyo Sugnaanta Cuntada Afrika oo lagu qabtay dalka Namibia

Barnaamijka Horumarinta Beeraha iyo Sugnaanta Cuntada Afrika oo lagu qabtay dalka Namibia

March 25, 2026
Wasiirrada Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga XFS oo ka qeybgalay gunaanadka barnaamij la xiriiray horumarinta amniga

Wasiirrada Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga XFS oo ka qeybgalay gunaanadka barnaamij la xiriiray horumarinta amniga

March 25, 2026

Munaasabad kooban oo xariga looga jaray qeybtan oo ka kooban Pharmacy, qeybaha gargaarka deg dega, bukaan jiifka iyo qeybo kale oo muhiima ayaa  waxaa ka qeyb galay Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Soomaaliya, Maamulka Isbitaal Banaadir, Madaxda jaamacadaha iyo marti sharaf kale.

Agaasimaha Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka ee Banaadir Fartuun Shariif Maxamed Ayaa u mahadcelisay madaxda Wasaaradda Caafimaadka XFS iyo jaamacadaha ka qeyb qaatay dib u dayactirka Qeybta Carruurta oo kamida goobaha muhiimka ah ee Isbitaalka.

Guddoomiyaha Midowga Jaamacadaha Daahir Xasan Carab oo ku hadlay magaca jaamacadaha doorka ka qaatay dib u dhiska qeybta Carruurta Ayaa sheegay inay si wadi doonaan Ka qeyb qaadashada wax walba oo lagu horumarinayo dalka.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Soomaaliya Fowsiya Abiikar Nuur Ayaa jaamacadaha uga mahadcelisay doorka muhiimka ah oo ay ka qaateyn Isbitaal Banaadir, waxeyna dhinaca kale xustay In dowladaha kala duwan ay kala hadashay sidii ay qeyb uga qaadan lahaayeyn horumarinta Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka ee Banaadir.

Gabagabada munaasabada ayaa shahaadooyin lagu guddoonsiiyay jaamacadaha iyo Mas’uuliyiintii doorka ka qaatay dib u dayactirka qeybta Carruurta ee Isbitaal Banaadir.

Previous Post

Tababar ku saabsanaa wacyi galinta codbixiyayaasha geedi socodka doorashooyinka oo Gaalkacyo lagu soo gaba gabeeyay

Next Post

Wasaardda Caafimaadka XFS oo soo gaba-gabesay Kormeer heerkiisu sareeeyo “SAWIRRO”

Next Post
Wasaardda Caafimaadka XFS oo soo gaba-gabesay Kormeer heerkiisu sareeeyo “SAWIRRO”

Wasaardda Caafimaadka XFS oo soo gaba-gabesay Kormeer heerkiisu sareeeyo "SAWIRRO"

Barnaamijka Horumarinta Beeraha iyo Sugnaanta Cuntada Afrika oo lagu qabtay dalka Namibia

Barnaamijka Horumarinta Beeraha iyo Sugnaanta Cuntada Afrika oo lagu qabtay dalka Namibia

March 25, 2026
0

Madaxa Qiimeynta iyo Kormeerka, Prof: Maxamed Cilmi Guure, ahna Xiriiriyaha Soomaaliya ee Barnaamijka Horumarinta Beeraha iyo Sugnaanta Cuntada Afrika (CAADP)...

Wasiirrada Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga XFS oo ka qeybgalay gunaanadka barnaamij la xiriiray horumarinta amniga

Wasiirrada Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga XFS oo ka qeybgalay gunaanadka barnaamij la xiriiray horumarinta amniga

March 25, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa ka qaybgalay munaasabadda gabagabada barnaamijka Xoojinta Qaabdhismeedka Amniga Qaranka, oo lagu soo...

Shirka Golaha Wasiirrada oo looga hadlay xaaladda Guud ee dalkeenna

Shirka Golaha Wasiirrada oo looga hadlay xaaladda Guud ee dalkeenna

March 25, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa looga hadlay xaaladda guud ee dalka, gaar...

Boqolaal Qoys oo abaartu saameysay oo biyo dhaamin loogu sameeyay deegaanno hoostaga  Baydhabo 

Boqolaal Qoys oo abaartu saameysay oo biyo dhaamin loogu sameeyay deegaanno hoostaga  Baydhabo 

March 25, 2026
0

Boqolaal qoys oo ka mid ah dadka ay saameysay abaarta daran ayaa gargaar biyo dhaamin ah laga gaarsiiyay deegaanno hoostaga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In