Tuesday, March 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Caafimadka oo magaalada Dubai uga qeyb galay shir ay soo qabanqaabisay WHO

caqiil by caqiil
2 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Caafimadka oo magaalada Dubai uga qeyb galay shir ay soo qabanqaabisay WHO
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Caafimaad Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Cali Xaaji Aadam ayaa maanta ka qaybgalay kulan gaar ah oo ku saabsanaa sidii loo abuuri lahaa xalka waara ee la xiriira isbadalka climilada.

kulanka ayaa looga hadlay xoojinta nidaamka Caafimaadka waxaana soo qabanqaabisay Hey’adda Caafimaadka Adduunka iyo Hey’adda Maraynta howlaha (UNOPS) waxa uuna qeyb ka ahaa kulan waynaha isbadalka cimilada (COP28) ee ka socda magalaadda Dubai.

Related posts

Tartamayaasha Buula-burte oo tartanka ka ciribtirtay Yaaqshiid, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

Tartamayaasha Buula-burte oo tartanka ka ciribtirtay Yaaqshiid, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

March 9, 2026
𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐥𝐚 𝐪𝐚𝐚𝐭𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐡𝐚𝐪𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐥𝐚 𝐪𝐚𝐚𝐭𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐡𝐚𝐪𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚

March 9, 2026

Wasiira Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshadda ee XFS Dr. Cali Xaaji Aadam ayaa qayb ka ahaa kulanka gaarka ahaa ee ay kasoo qayb galeen Wasiirada Caafimaadka ee wadamada kala ah Pakistan, Yemen iyo Masar sidoo kale kulanka waxaa qayb ka ahaa Agaasimaha Guud ee hey’adda UNOPS.

Kulanka ayuu Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya ka jeediyey khudbad taariikhi ah taasoo taabanaysay sida loo abuuri lahaa habka isku xiran ee isbadalka cimilada iyo Caafimaadka ee xalka waara, waxa ayna Soomaaliya qayb ka tahay isbahaysi cusub oo arrimahaas xoogga saaraayo  loona yaqaano Alliance for Transformative Acton on Climate and Health ( ATACH).

Waxa uuna ku soo gunaanaday Wasiirka Caafimaadka sida ay Soomaaliya hadda u wajahaysa isbadalka cimilada oo bilow ka hore ay ka soo baxday abaaro, islamarkaana bilaabatay Fatahaada ( El NiNo), Sidoo kale Wasiirka ayaa carabka ku adkeeyey guulaha ay Soomaaliya ka gaartay hirgelinta nidaamka cadceeda tamarta loogu helo ( Solar Energy Systems) kaasoo ilaa iyo hadda laga hirgeliyey qeybo ka mid ah Isbitaalada Gobolada iyo Degmooyinka ku yaalo dalka, iyadoo ay jiraaan qorshe dhamaystiran oo ku wajahan sidii loo dhamaystiri lahaa xarumaha Caafimaadka ee dalka oo dhan.

Previous Post

Ciidanka XDS oo gurmad u sameeyay dadka ku dhaqan magaalada Buurdhuubo

Next Post

MadaxweynahaTurkiga iyo Amiirka Qatar oo kawada hadlay xasuuqa ay Isra’iil ku hayso Shacabka Falastiin

Next Post
MadaxweynahaTurkiga iyo Amiirka Qatar oo kawada hadlay xasuuqa ay Isra’iil ku hayso Shacabka Falastiin

MadaxweynahaTurkiga iyo Amiirka Qatar oo kawada hadlay xasuuqa ay Isra’iil ku hayso Shacabka Falastiin

Tartamayaasha Buula-burte oo tartanka ka ciribtirtay Yaaqshiid, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

Tartamayaasha Buula-burte oo tartanka ka ciribtirtay Yaaqshiid, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

March 9, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐥𝐚 𝐪𝐚𝐚𝐭𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐡𝐚𝐪𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐥𝐚 𝐪𝐚𝐚𝐭𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐡𝐚𝐪𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚

March 9, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta xafiiskiisa ku booqday Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha...

Warbixinta Qaran ee Cimilada iyo Horumarka Soomaaliya oo lagu qabtay Muqdisho

Warbixinta Qaran ee Cimilada iyo Horumarka Soomaaliya oo lagu qabtay Muqdisho

March 9, 2026
0

Magalada Muqdisho ayaa martigelisay munaasabad lagu daahfurayay Warbixinta Qaran ee Cimilada iyo Horumarka Soomaaliya, taas oo si wadajir ah u...

Dekedda weyn ee Muqdisho oo ku biirtay Ururka Caalamiga ah ee Dekadaha IAPH

Dekedda weyn ee Muqdisho oo ku biirtay Ururka Caalamiga ah ee Dekadaha IAPH

March 9, 2026
0

Dekedda Weyn ee Muqdisho ayaa si rasmi ah ugu biirtay Ururka Caalamiga ah ee Dekedaha International Association of Ports and...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In