Friday, July 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Cadaaladda XFS oo Maanta furay tababar ku saabsan habraaca howl-galinta nidaamka habka dadban ee xallinta Khilaafaadka.”Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Cadaaladda XFS oo Maanta furay tababar ku saabsan habraaca howl-galinta nidaamka habka dadban ee xallinta Khilaafaadka.”Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Caddaaladda XFS, Mudane, Xasan Xuseen Xaaji, ayaa Maanta oo Sabti ah furay tababar ku saabsan habraaca howl-galinta nidaamka habka dadban ee xallinta Khilaafaadka, kaas oo dhawaan ay hirgalisay Wasaaradda Caddaadda.

Tababarkaan oo Labo Maalin socon doona ayaa waxaa ka qayb galay, Odayaasha dhaqanka Haweenka iyo Culimaa’udiin, kuwaas oo ah wakiillada ay Wasaaraddu u xil-saartay hir-gelinta nidaamkan oo hadda ka shaqeeya dhowr Degmo oo ka mid ah Gobolka Banaadir.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta oo ka tacsiyadeeyey geerida fanaan Cigaal

Wasiirka Warfaafinta oo ka tacsiyadeeyey geerida fanaan Cigaal

July 31, 2026
Guddoomiye Cabdi Xaashi oo ka tacsiyeeyay geerida AUN  Axmed Cali Cigaal

Guddoomiye Cabdi Xaashi oo ka tacsiyeeyay geerida AUN Axmed Cali Cigaal

July 31, 2026

Wasiirka Caddaaladda iyo Garsoorka ayaa ka qaybgalayaasha kula dardaarmay in ay ka faa,iideystaan Tababarka Wasaaradduna ay dedaal ku bixin doonto in Bulshada loo daadejiyo Garsoorka,  sidii uu dhaqanka Soomaaliyeed ahaana kiisas badan oo Bulshada ka dhex dhaca lagu xallin doono nidaamka xeer beegtida.

“Maanta tababarku muhiimadda uu leeyahay waa kow inaan sii wadno tababarka Bilihii la soo dhaafay waxbaan ka baranay  waxaas aan ka baranay inaan sii kordhino qubaradu tababarro dheeraad ah idin siiyaan iyo mida kale oo ah wasaaradu waxaa ay diyaarisay habraacii lagu shaqey lahaa habraacaas laftiisa in la idinku tababaro  adinkuna ka faa,iideysataan ayay tahay ujeedada siminaarkaan” ayuu yiri Wasiirka.

Dhowr Bil ka hor ayay ahayd markii Wasaaradda Cadaaladda ay Degmooyin dhowr ah oo ku yaalla Magaalada Muqdisho ka hirgalisay Xafiisyo wasaaradda uga wakiil ah xallinta Khilaafaadka Bulshada ka dhex dhaca ee Xeer beegtida loo yaqaan.

Waxanay wasaaraddu tallaabadani ku micneysay in kiisas badan oo Maxkamadaha lala aado looga maarmo nidaamkan xeer beegtida, wuxuuna wasiirku sheegay in horumar laga sameeyay ujeedkii loo hirgaliyay Barnaamijkan.

Previous Post

Ciidamada amniga oo Gacanta kusoo dhigay hoggaamiyihii qaraxdii Maanta ee Muqdisho

Next Post

Wasiir ku xigeenka Caafimaadka iyo Taliyaha CXD oo tababar usoo xirey 81 dhaqaatiir ah “SAWIRRO”

Next Post
Wasiir ku xigeenka Caafimaadka iyo Taliyaha CXD oo tababar usoo xirey 81 dhaqaatiir ah “SAWIRRO”

Wasiir ku xigeenka Caafimaadka iyo Taliyaha CXD oo tababar usoo xirey 81 dhaqaatiir ah "SAWIRRO"

Wasiirka Warfaafinta oo ka tacsiyadeeyey geerida fanaan Cigaal

Wasiirka Warfaafinta oo ka tacsiyadeeyey geerida fanaan Cigaal

July 31, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulfitaax Qaasim Maxamuud, Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda, Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar...

Guddoomiye Cabdi Xaashi oo ka tacsiyeeyay geerida AUN  Axmed Cali Cigaal

Guddoomiye Cabdi Xaashi oo ka tacsiyeeyay geerida AUN Axmed Cali Cigaal

July 31, 2026
0

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehelada, bahda...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ka qeybgalay shirka ka jawaabista saameynta la filayo ee Super El Niño 2026

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ka qeybgalay shirka ka jawaabista saameynta la filayo ee Super El Niño 2026

July 30, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya ku matalay shir dhanka Zoomka ah...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN MIRO DHAL AH LA QAATAY DHIGGIISA DALKA YUGAANDHA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN MIRO DHAL AH LA QAATAY DHIGGIISA DALKA YUGAANDHA

July 30, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galinkii dambe ee maanta safar shaqo ku gaaray magaalada Kambaala ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In