Friday, February 20, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Cadaaladda XFS oo maanta xafiiskiisa kula kulmay safiirka Turkiga ee Soomaaliya+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
7 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Cadaaladda XFS oo maanta xafiiskiisa kula kulmay safiirka Turkiga ee Soomaaliya+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Cadaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Xaaji ayaa maanta xafiiskiisa kula kulmay safiirka Turkga u fadhiya Soomaaliya Amb: Mehmet Yilmaz.

 

Related posts

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing Mogadishu, Friday, 20th February, 2026

February 20, 2026

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho, Jimco, 20-ka February, 2026

February 20, 2026

Wasiirka Cadaalada Soomaaliya iyo safiirka Turkiga ee Soomaaliya ayaa ka wada hadlay arrimo dhowr ah oo la xiriira hormarinta Hay’adaha cadaalada Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya.

Wasiirka oo ay wehliyaan mas,uuliyiin kale oo Wasaaradda ka tirsan ayaa markii uu xafiiska ku soo dhoweeyay safiirka waxaa uu tusay oo uu uga sheekeeyay maab muujinaya howlaha shaqo ee wasaaradda, sidoo kale waxaa ay mas,uuliyiintu kormeereen xafiisyada shaqada ee Wasaaradda oo markaas ay ka socdeen howlaha shaqo ee bulshada loo hayo.

Wasiirka iyo Danjiraha ayaa waxaa ay isla soo qaadeen intii uu socday kulankoodu sii xoojinta iskaashiga labada dal iyo sidii dowladda aan walaalaha nahay ee Turkigu wasaaradda uga gacan sii lahayd sare u qaadista horumarinta hay’adaha cadaaladda dalka iyo adeega garsoor ee bulshada Soomaaliyeed u baahan tahay.

“Waxaan ka wada hadalnay labada dal xiriirka wanaagsan ee ay leeyihiin qaas ahaan waxaan uga wada hadalnay bahda cadaaladda waxaan isku af garanay in la xoojiyo bahda cadaaladda iyaguna waxii ay ka qayb qaadan karaan ay nagu gacan siiyaan waxaan uga warbixinay in bahda cadaaladu meel wanaagsan mareyso dib u eegista sharuucda badankoodu ay socdaan maxkamadahana lagu sameeyay dib -u eegis  waxaa ay aad iyo aad u daneynayeen in garsoorka Soomaaliya uu meel fiican marayo anaguna waan u sheegnay” ayuu yiri Wasiirka Cadaaladda Xasan Xuseen Xaaji.

Mehmet Yilmaz Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya ayaa wasiirka u balan qaaday in dowladiisu ay sii xoojin doonto taageerada dhinacyada badan ee ay siiso dhanka garsoorkuna uu noqon doono mid ay muhiimad weyn siiso,waxaana kulankoodu uu ku dhamaaday jawi qurxoon.

Previous Post

Madaxweynaha JFS oo ka tacsiyadeeyay geeridii ku timid Xildhibaan Axmed Mayow Abdulle

Next Post

Madaxda Qaranka oo ka qeyb galay salaada Janaasada ee Marxuum Xildhibaan Axmed Mayow Cabdulle+Sawirro

Next Post
Madaxda Qaranka oo ka qeyb galay salaada Janaasada ee Marxuum Xildhibaan Axmed Mayow Cabdulle+Sawirro

Madaxda Qaranka oo ka qeyb galay salaada Janaasada ee Marxuum Xildhibaan Axmed Mayow Cabdulle+Sawirro

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing Mogadishu, Friday, 20th February, 2026

February 20, 2026
0

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing Mogadishu, Friday, 20th February, 2026 1- President Hassan Sheikh Mohamud chaired a meeting between...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho, Jimco, 20-ka February, 2026

February 20, 2026
0

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho, Jimco, 20-ka February, 2026 1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyay kulan dhexmarey...

Mashruuca badbaadinta dadka taagta daran oo ka socda Muqdisho iyo deegaanada dalka

Mashruuca badbaadinta dadka taagta daran oo ka socda Muqdisho iyo deegaanada dalka

February 20, 2026
0

Waxaa magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka ka socda bixinta mucaawinooyin loogu talagalay dadka taagta daran  iyo kuwa barakacayaasha ah ee...

Wasiir Xasan Xuseen “Waxaan ku dadaaleynaa sidii looga shaqeyn lahaa badqabka xoolaha”

Wasiir Xasan Xuseen “Waxaan ku dadaaleynaa sidii looga shaqeyn lahaa badqabka xoolaha”

February 20, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa ee XFS Mudane Xasan Xuseen Maxamed Eelay oo ka hadlay xaflad loo sameeyay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In