Sunday, January 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka dastuurka oo Nairobi kula kulmay beesha caalamka-Sawirro

caqiil by caqiil
9 years ago
in Wararka
0
Wasiirka dastuurka oo Nairobi kula kulmay beesha caalamka-Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane AVV Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayaa magaalada Nairobi kula kulmay saaxiibada Beesha Caalamka ee dowladda Soomaaliya caawiya, waxaana kulanka ka soo qaybgalay guddoomiyaha golaha shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) iyo Ku-Xigeenkiisa labaad mudane Cabdalla Cawad.

Wafdiga Wasiirka waxaa kamid ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda iyo qaar kamid ah lataliyayaasha Wasaaradda.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamse oo agaasime guud magacaabay

Ra’iisul Wasaare Xamse oo agaasime guud magacaabay

January 25, 2026
Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgal ku dilay horjeege ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgal ku dilay horjeege ka tirsan Khawaarijta

January 25, 2026

Mudane Cabdi Xoosh ayaa shir uu la yeeshay mas’uuliyiin kamid ah beesha caalamka oo ka kala socday wadamo iyo hay’ada Soomaaliya garabsiiya u sharxay qorshaha guud ee wasaaradda ay diyaarisay ee ku saabsan Geedi-socodka dib u eegista Dastuurka oo socon doona labada sanno ee soo socota.

Saaxiibada Beesha Caalamka ayaa aad u soo dhaweeyay qorshaha ay Wasaaradda diyaarisay waxa ayna bogaadiyeen hogaanka cusub ee Wasaaradda oo uu ugu sareeyo Wasiirka oo si ay xirfadi ku jirto ku dardargelinaya hawlaha Wasaaradda.

Dhanka kale, Gudoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Jawaari oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in labada gole ee Baarlamaanka iyo Wasaaradda ay ka dhaxeeyso wadashaqeyn wanaagsan kana go’antahay in Dastuurka la dhameeystiro.

Ugu dambeyn, Beesha Caalamka ayaa Wasaaradda ku amaantay kulamada wadatashiga ah ee maalmihii la soo dhaafay ay la yeelaneysay qaybaha kala duwan ee bulshada waxa ayna ballanqaadeen in Wasaaraddu ku garab istaagi doonaan sidii Geedi-socdoka dib u eegista Dastuurka ee labada sanno ee soo socota uu si guul ah ugu soo dhamaan lahaa.

—–DHAMAAD—–

Previous Post

Ra’iisul wasaaraha oo furey imtixaanka dugsiyada sare-Sawirro

Next Post

Danjiraha Swedan iyo agaasimaha HSJ oo ka wada hadlay aqoonsiga basaboorka Soomaaliya

Next Post
Danjiraha Swedan iyo agaasimaha HSJ oo ka wada hadlay aqoonsiga basaboorka Soomaaliya

Danjiraha Swedan iyo agaasimaha HSJ oo ka wada hadlay aqoonsiga basaboorka Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamse oo agaasime guud magacaabay

Ra’iisul Wasaare Xamse oo agaasime guud magacaabay

January 25, 2026
0

  RADIO MUQDISHO:-Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa Agaasimaha Guud Arrimaha Dastuurka ee Wasaaradda Caddaaladda...

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgal ku dilay horjeege ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgal ku dilay horjeege ka tirsan Khawaarijta

January 25, 2026
0

RADIO MUQDISHO(SHABEELLADA HOOSE):-Ciidamada Xoogga Dalka oo sii wada howlgallada lagu baacsanayo maleeshiyada Khawaarijta ayaa dilay horjooge lagu magacaabo Timaweyne, ka...

Bannaabax looga soo horjeedo xagudubka Israa’iil oo ka dhacay Muqdisho

Bannaabax looga soo horjeedo xagudubka Israa’iil oo ka dhacay Muqdisho

January 24, 2026
0

Bannaan bax looga soo horjeedo faragelinta Isra’iil ay ku sameysay dalkeenna ayaa ka dhacay degmada Heliwaa ee Gobolka Banaadir. Bannaan...

Geesiyaasha Ciidanka XDS oo biyo dhaamin u sameeyay qoysas biyo la’aan saameysay

Geesiyaasha Ciidanka XDS oo biyo dhaamin u sameeyay qoysas biyo la’aan saameysay

January 24, 2026
0

Geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa toddobaadkan mar kale muujiyay kaalintooda beni’aadannimo, kaddib markii ay biyo-dhaamin degdeg ah u sameeyeen...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In