Saturday, September 5, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Deegaanka XFS oo Dhuusamareeb ilaa Gaalkacyo ka wada ololaha doorashada qof iyo codka ee Galmudug

Shamis Hassan Harun by Shamis Hassan Harun
1 month ago
in Wararka
0
Wasiirka Deegaanka XFS oo Dhuusamareeb ilaa Gaalkacyo ka wada ololaha doorashada qof iyo codka ee Galmudug
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Bashiir Maxamed Jaamac, ayaa 18-kii July 2026 gaaray magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Dowlad-goboleedka Galmudug, halkaas oo uu ka bilaabay socdaal ballaaran oo lagu xoojinayo geeddi-socodka dimuqraadiyadda, kor u qaadista wacyiga bulshada iyo ololaha doorashada qof iyo codka.

Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa si diirran loogu soo dhaweeyey magaalada Dhuusamareeb, waxaana socdaalka ku wehliyey Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Dowlad-goboleedka Galmudug ee mudda xileedkooda dhamaaday, iyo masuuliyiin kale, kuwaas oo qayb ka ahaa kulammadii iyo barnaamijyadii kala duwanaa ee lagu qabtay deegaannada uu socdaalka ku maray.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan Gobolka Bari

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan Gobolka Bari

September 3, 2026
Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda

September 3, 2026

Socdaalka Wasiirka ayaa ujeeddadiisu ahayd dhiirrigelinta bulshada si ay uga qayb qaataan doorashada qof iyo codka, xoojinta qiyamka dimuqraadiyadda, iyo adkaynta kaalinta muwaadinka ee go’aaminta mustaqbalka siyaasadeed ee Galmudug.

Mudada uu ku sugnaa Dhuusamareeb, Wasiirku waxa uu kulammo miro-dhal ah la yeeshay odayaasha dhaqanka, culimada, haweenka, dhallinyarada, aqoonyahannada iyo qaybaha kale ee bulshada. Kulammadaas waxaa diiradda lagu saaray muhiimadda ay leedahay in shacabka si xor iyo xalaal ah uga qayb qaataan doorashada, isla markaana ay ilaaliyaan nabadda iyo wadajirka bulshada.

“Doorashada qof iyo codku waa guul u soo hoyatay shacabka Soomaaliyeed. Waa maalin uu muwaadinku si xor ah ugu dooranayo hoggaanka uu aaminsan yahay. Cod kasta oo la dhiibaa wuxuu dhisayaa mustaqbalka Galmudug iyo Soomaaliya.”

Wasiirku waxa uu tilmaamay in Xisbiga Cadaaladda iyo Wadajirka ee (JSP) uu bulshada u soo bandhigay aragti ku salaysan dowladnimo, horumar, isla-xisaabtan iyo ka qaybgal siyaasadeed oo loo siman yahay.

“Waxaan rumeysanahay in Libaan Axmed Xasan uu leeyahay hoggaan, karti iyo aragti sii dardargelin karta nabadda, horumarka iyo dowlad-dhiska Galmudug. Doorashadani waa fursad ay shacabka ku go’aansanayaan jihada mustaqbalkooda.”

Kadib kulammadii Dhuusamareeb, Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa u gudbay magaalada Gaalkacyo, halkaas oo ay ku qaabileen qaybaha kala duwan ee bulshada. Wasiirku waxa uu kulammo la yeeshay odayaasha dhaqanka, waxgaradka, culimada, haweenka, dhallinyarada, ganacsatada iyo bahda waxbarashada.

Kulammadaas waxaa xoogga lagu saaray doorka bulshada ee ilaalinta dimuqraadiyadda, nabadda iyo sidii doorashada qof iyo codku u noqon lahayd mid xor, daah-furan oo shacabka kalsooni ku qabaan.

Isagoo ka hadlayay magaalada Gaalkacyo, Wasiirka “Dimuqraadiyaddu waxay ku xoogaysataa ka qaybgalka shacabka. Maanta codkiinnu waa awooddiinna ugu weyn. Waa in aan ka faa’iidaysannaa fursaddan taariikhiga ah si aan u dhisno Galmudug ay shacabka hoggaankeeda doortaan.”

Socdaalka Wasiirka kuma koobnayn magaalooyinka waaweyn oo keliya, balse waxa uu gaadhay deegaanno hoos yimaada magaalada Gaalkacyo, halkaas oo uu kula kulmay bulshada deegaanka uu matalo. Wasiirku waxa uu si dhow u dhegaystay aragtida iyo talooyinka bulshada, isaga oo carrabka ku adkeeyey in codka shacabka miyigu uu laf-dhabar u yahay dimuqraadiyadda.

Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa sidoo kale booqday deegaannada Bitaale iyo Sangaduud, halkaas oo ay ugu kuurgaleen xaaladaha nololeed ee bulshada, isla markaana ay dhegaysteen baahiyaha iyo caqabadaha ka jira deegaannadaas.

“Muddo ku dhow konton sano kadib, shacabka Soomaaliyeed waxay heleen fursad ay si toos ah ugu doortaan hoggaankooda. Waa waajib in aynu ilaalinno nabadda, mideyno codkeenna, kana faa’iidaysanno xuquuqdeenna dastuuriga ah.”

Wasiirku waxa uu xusay in horumarka, nabadda iyo dowladnimadu ay ku iman karaan oo keliya marka bulshada ay si firfircoon uga qayb qaataan go’aannada masiirkooda quseeya.

Gunaanadkii socdaalka, Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada, Xildhibaan Bashiir Maxamed Jaamac, ayaa ugu baaqay dhammaan shacabka Galmudug inay sii xoojiyaan midnimada, ilaaliyaan amniga, kana qayb qaataan doorashada qof iyo codka.

“Doorashadani waa dhaxalka jiilalka soo socda. Maanta waxaan dhisaynaa Galmudug ku dhisan rabitaanka shacabka, dowladnimo hufan iyo dimuqraadiyad waarta. Guusha ugu weyn waa in muwaadin kasta uu codkiisa si xor ah u dhiibto.”

Socdaalkan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo geeddi-socodka dimuqraadiyadda, kor u qaadista wacyiga bulshada iyo dhiirrigelinta ka qaybgalka shacabka ee doorashada qof iyo codka, taas oo astaan u ah biseylka siyaasadeed iyo horumarka nidaamka dowladnimo ee Galmudug.

 

Previous Post

Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Aqal Sare oo shir guddoomiyah kulanka Guddiga Joogatada ah

Next Post

Defence Minister Fiqi Meets AUSSOM Chief

Next Post
Wasiirka Gaashaandhigga XFS, oo la kulmay Wakiilka Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ee Soomaaliya

Defence Minister Fiqi Meets AUSSOM Chief

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan Gobolka Bari

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan Gobolka Bari

September 3, 2026
0

Hey’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa gaarsiisay deeq gargaar raashin ah kumannaan qoys oo nugul oo ku nool deegaanno...

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda

September 3, 2026
0

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS) ayaa maanta kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda, kaas oo diiradda...

Soomaaliya iyo Qadar oo kala Saxiixday heshiis Iskaashi

Soomaaliya iyo Qadar oo kala Saxiixday heshiis Iskaashi

September 2, 2026
0

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya iyo Jaamacadda Doha ee Sayniska iyo Tiknoolajiyada (UDST) ayaa magaalada Doxa ku...

Shaqaalaha Duulista Kenya oo soo afjaray shaqo-joojin laba maalmood socotay

Shaqaalaha Duulista Kenya oo soo afjaray shaqo-joojin laba maalmood socotay

September 2, 2026
0

Shaqaalaha duulista Kenya ayaa Talaadadii soo afjaray shaqo-joojintii laba maalmood socotay, kaddib markii ay heshiis la gaareen dowladda iyo hay’adaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In