Sunday, September 20, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Dekadaha Oo Uga Mahadceliyay Golaha Wasiirrada Ansixinta Heshiiska Is-afgarad ee Soomaaliya iyo Masar

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 months ago
in Wararka
0
Wasiirka  Dekadaha Oo Uga Mahadceliyay Golaha Wasiirrada Ansixinta Heshiiska Is-afgarad ee Soomaaliya iyo Masar
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyey Heshiiska Is-afgarad ee Iskaashiga u dhexeeya Wasaaradda Gaadiidka ee Jamhuuriyadda Carabta ee Masar iyo Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kaas oo diiradda saaraya horumarinta iskaashiga dhinacyada gaadiidka badda iyo dekadaha.

Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ayaa si weyn ugu mahadceliyey Golaha Wasiirrada ansixinta heshiiskan muhiimka ah, isagoo tilmaamay in tallaabadan ay xoojinayso dadaallada lagu horumarinayo kaabeyaasha dhaqaalaha dalka iyo kobcinta xiriirka caalamiga ah.

Related posts

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ka Guddoomay Nuqul ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ka Guddoomay Nuqul ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

September 19, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo furay shirka Maalgelinta Horumarinta Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh oo furay shirka Maalgelinta Horumarinta Soomaaliya

September 19, 2026

Heshiiskan ayaa la filayaa inuu xoojiyo iskaashiga labada dal ee dhinacyada horumarinta dekadaha, is-dhaafsiga khibradaha farsamo, kobcinta awoodda hay’adaha, iyo sare u qaadista hannaanka gaadiidka badda, iyadoo la waafajinayo heerarka iyo iskaashiga caalamiga ah ee waaxda badaha.

Ansixinta heshiiskan waxay qeyb ka tahay dadaallada istiraatiijiyadeed ee Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda iyo siyaasadda guud ee Xukuumadda DanQaran ee lagu horumarinayo kaabeyaasha dhaqaalaha, xoojinta iskaashiga caalamiga ah, iyo kor u qaadista doorka Soomaaliya ee ganacsiga iyo isu-socodka badaha.

Sidoo kale, heshiiskan wuxuu taageerayaa hirgelinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP), isagoo gacan ka geysanaya horumarinta danaha qaranka, kobcinta tartanka dekadaha Soomaaliyeed, iyo sare u qaadista kaalinta Soomaaliya ee gobolka iyo caalamka marka la eego gaadiidka badda iyo adeegyada dekedaha.

Previous Post

Shaqsiyaadkii kaalinta muuqata ka qaatay xuska Toddobaadka Xorriyadda oo xaflad loo qabta

Next Post

Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadcelisay ansixinta afar heshiis

Next Post
Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadcelisay ansixinta afar heshiis

Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadcelisay ansixinta afar heshiis

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ka Guddoomay Nuqul ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ka Guddoomay Nuqul ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

September 19, 2026
0

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Xasan Maxamed Cali (Nadaara), ayaa maanta ka guddoomay nuqul ka...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo furay shirka Maalgelinta Horumarinta Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh oo furay shirka Maalgelinta Horumarinta Soomaaliya

September 19, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa daah-furay Shirka Maalgelinta Horumarinta Soomaaliya oo lagu qabtay magaalada Muqdisho, kaasi...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

September 19, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Xasan Maxamed Cali (Nadaara), ayaa maanta ka guddoomay nuqul...

Munaasabad lagu xusayo Maalinta Caalamiga ah ee Aqoonsiga oo lagu qabtay Muqdisho

Munaasabad lagu xusayo Maalinta Caalamiga ah ee Aqoonsiga oo lagu qabtay Muqdisho

September 19, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shir ay soo qabanqaabisay Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA), kaas oo lagu...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In