Friday, January 9, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Gaadiidka Oo Kulan La Qaadatay Agaasimayaasha Waaxyaha Wasaaradda iyo La Taliyayaasha

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
3 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Gaadiidka Oo Kulan La Qaadatay Agaasimayaasha Waaxyaha Wasaaradda iyo La Taliyayaasha
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawadda Xukuumadda Soomaaliya Marwo Fardowso Cismaan Cigaal oo ay weheliyaan Wasiiru dowlaha Wasaarada Mudane.Maxmaed Cumar Cali Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Mudane Sulub Axmed Firin, waxaa shirka kasoo qeybgalay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Agaasimayaasha waaxyaha iyo la Taliyayaasha Wasaaradada qeybaheeda kala duwan.

Kulanka oo Sacaado socday, ayaa ugu horayn lagu soo bandhigay Warbixinta guud ee Wasaarada,waxa u qabsoomay iyo Mustaqbalka qorshayaasha Wasaraadda lagu horumarinaayo.Agaasimaha Guud oo warbixin jeediyay, ayaa si faahfaahsan uga waramay shaqooyinka Wasaaradda,Wuxuuna soo dhaweeyay Hoggaanka Cusub ee Wasaaradda, isagoona sheegay in si hufan ay ula shaqaynayaan Mas’uuliyiinta cusub.

Related posts

Soomaaliya iyo Singapore oo ka wadahadlay arrimo muhiim ah

Soomaaliya iyo Singapore oo ka wadahadlay arrimo muhiim ah

January 9, 2026
Ciidanka Dowladda oo  cagta mariyay farriisimo ay ku sugnaayeen khawaarijta

Khawaarij lagu laayey gobolka Bay

January 9, 2026

Agaasimayaasha waaxyaha Wasaaradada Gaadiidka iyo Duulista Hawada, ayaa dhankooda soo bandhigay shaqooyinka u qabsoomay. waxayna sheegeen in qorshahooda ay ku saleeyeen baahiyaha hortabinta u leh.

Xubno ka mid ah La taliyayaasha shirka ka qaybgalayay ayaa Hoggaanka Wasaarada usoo bandhigay dhinacooda talooyin ku aadan sida lagu horumarin karo shaqada Wasaarada ka socota, waxayna soo dhaweeyeen Masuuliyiinta cusub ee Wasaarada la wareegay.

Wasiiru dawlaha Wasaaradda Mudane.Maxamed Cumar Caananuug iyo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Mudane Sulub Axmed, ayaa ka mahadceliyay Warbixinta lasiiyay ee ku aadan Shaqooyinka ka socda Wasaarada Gaadiidka iyo Duulista Hawadda.

Ugu dambayn Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawadda Marwo Fardowso Cismaan ayaa shirka soo xirtay waxayna sheegay in la dardar galiyo shaqooyinka Wasaarada, iyadoona intaas ku dartay in wixii saxid u baahan la saxayo, sidoo kalena la xoojinayo wixii saxan.







 

Previous Post

Guddoomiyaha Gobalka Hiiraan Oo Ay Wahliyaan Xidhibaanno Oo Kormeeray Deegaanka Teedaan

Next Post

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Safiirka Dowladda Imaaraadka 

Next Post
Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Safiirka Dowladda Imaaraadka 

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Safiirka Dowladda Imaaraadka 

Soomaaliya iyo Singapore oo ka wadahadlay arrimo muhiim ah

Soomaaliya iyo Singapore oo ka wadahadlay arrimo muhiim ah

January 9, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa maanta oo jimce khadka taleefanka...

Ciidanka Dowladda oo  cagta mariyay farriisimo ay ku sugnaayeen khawaarijta

Khawaarij lagu laayey gobolka Bay

January 9, 2026
0

WAR-SAXAAFADEED   Ciidamada Gaarka ah ee Kumaandooska Danab ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa xalay hawlgal qorshaysan oo beegsi ah...

Ciidanka NISA iyo kuwa Xoogga Dalka oo howlgal qorsheysan ku dilay 4 dhagarqabe oo khawaarij ah

Ciidanka Xoogga iyo Saaxiibada Caalamka oo Jubbada Dhexe ku dilay maleeeshiyaad khawaarij ah

January 9, 2026
0

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibada caalamka gaar ahaan Ciidamada Maraykanka, ayaa xalay fuliyay howlgal qorshaysan oo lala beegsaday...

Joint Statement on the illegal visit of the Israeli official to “Somaliland” Region of the Federal Republic of Somalia on 6 January 2026

Joint Statement on the illegal visit of the Israeli official to “Somaliland” Region of the Federal Republic of Somalia on 6 January 2026

January 9, 2026
0

The Ministers of Foreign Affairs of the Arab Republic of Egypt, the People's Democratic Republic of Algeria, the People's Republic...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In