Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Gaashaandhigga iyo wafdi uu hoggaaminyo oo gaaray Kismaayo

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Gaashaandhigga iyo wafdi uu hoggaaminyo oo gaaray Kismaayo
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Gaashaandhigga xukuumadda Federaalka Soomaaliya Jeneraal Cabdulqaadir Sheekh Cali Diini ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo waxaana halkaasi si diirran ugu soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Jubbaland.

Wafdiga uu hoggaaminyo wasiirka Gaashaandhigga ee maanta gaaray Kismaayo ayaa waxaa ka mid ah xubno isugu jira xildhibaanno, siyaasiyiin iyo waxgarad kala duwan, iyadoo garoonka diyaaradaha Kismaayo uu ku soo dhaweeyay madaxweyne ku xigeenka maamulka Jubbaland Jeneraal Cabdulaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan maamulkaasi.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Ujeedada wafdigaasi uu u tegay magaalada Kismaayo ayaa lagu sheegay ka qeybgalka kulamo dib u heshiisiineed oo halkaasi loogu qabanayo beelaha dega deegaanada hoos yimaada maamulka Jubbaland.

Wasiirka Gaashaandhigga Jeneraal Cabdulqaadir Sheekh Cali Diini ayaa ka mahadceliyay sida wanaagsan ee loogu soo dhaweeyay Kismaayo, isagoo ummadda Soomaaliyeed ugu baaqay iney u midoobaan la dagaallanka kooxda Shabaab oo uu sheegay iney dhibaatooyin xad dhaaf ah ku hayaan shacabka,

“Dowladda Federaalka waxey go’aansatay ney markastaba dadkeeda iyo shacabkeeda la wadaagto dareenka ay qabaan oo ah xag nabadgelyo xag siyaasadeed iyo xag horumarinba sidaasi darteed ayaanu halkan u nimdi inaan ka qeybqaadano xagga horumarinta maanta waqtigan la joogo haddii an la muujin midnimo iyo wadajir ummadda Soomaaliyeed waxaa ku imaaneysa dib u dhac” ayuu yiri wasiirka Gaashaandhigga Jeneraal Diini.

Previous Post

Golaha ammaanka oo isku raacay cunaqabateyn ka dhan ah dalka waqooyiga Kuuriya

Next Post

Kulankii Baarlamaanka Ee Su’aallo Weeydiinta Ammaanka Oo Caawa Soo Gebageboobay

Next Post
Kulanka Baarlamaanka Oo Goor Dhow Soo Gabagaboobay Iyo Beri Oo Mar Kale Loo Balamay Su’aallo Weydiin

Kulankii Baarlamaanka Ee Su'aallo Weeydiinta Ammaanka Oo Caawa Soo Gebageboobay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In