Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa maanta kulan miro dhal ah la qaatay Safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Danjireย Fei Shengchao.
Labada masโuul ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah,ย horumarinta nabadda iyo amniga gobolka.
Sidoo kale, labada masโuul ayaa ka wada hadlay ajandayaasha dowladda ee la dagaallanka argagixisada iyo muhiimadda ay leedahay qaadista cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya.













