Wednesday, September 9, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Gaashaandhigga XFS : Khawaarijta waxay maraayaan heer maalin walba dhexdooda diriraan oo ay islaayaan

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
3 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Gaashaandhigga XFS : Khawaarijta waxay maraayaan heer maalin walba dhexdooda diriraan oo ay islaayaan
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay in khawaariijta la gaarsiiyay jab xooggan, isagoo tilmaamay in kummanaan ay soo qaldeen lagu khaarajiyay howgallada ka socda dalka.

“Khawaarijta Waxaa meel la kala geeyo la layahay dhaawacooda oo ay intooda badan dhameystiraan naftana dhaafiyaan, Waxay waayeen maal badan oo ay shacabka ka baadi jireen, waxaa lumey kalsoonidii dhexdooda ahayd oo waxay maraayaan heer maalin walba dhexdooda diriraan oo ay islaayaan. Waxaa kaloo xaqiiqo ah tira ku kordheysa in aysan jirin”.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta oo soo xiray Madasha Labaad ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta

Wasiirka Warfaafinta oo soo xiray Madasha Labaad ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta

September 8, 2026
Taliyaha Guutada 21-aad qaybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor oo soo dhaweyn loo sameeyay

Taliyaha Guutada 21-aad qaybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor oo soo dhaweyn loo sameeyay

September 8, 2026

Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay in ciidamada Qalabka sida oo kaashanaayo Shacabkooda ay ku jiraan dagaal lagu difaacaayo Dinteena, dalkeena iyo dadkeena dhiigooda iyo sharafkooda.

“Waxa la bixinaayo waa naf, maal iyo maskax mana jiro wax uu aadane bixin lahaa oo intaas ka qaalisan, xukuumadda dan qaran waxaa ka go’an in la ciribtiro Khawaarijta, la dhameystiro halganka dalkeena lagu gaarsiinaayo amniga iyo horumarka waana taariikh qormeyso oo lagu dhigi doono Iskuulada” ayuu yiri wasiir Jaamac.

Wasiirka Difaaca xukuumadda Federaalka Soomaliya ayaa ku baaqay in Jihaadka ka dhanka ah khawaarijta aan loo kala harin oo qof kasta qeybtiisa uu uga qeyb noqdo maal, af iyo adin.

Tan iyo markii uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ku dhawaaqay dagaalka ka dhanka ah khawaarijta ayaa lumisay degmooyinka iyo deegaanno badan oo 15 wax kabadan ku jiray gacanta cadowga, iyadoo xiligin khawaarijta ku jirto xiligii ugu adkaa marka laga eego koobaha wali ku hareen iyo firxadka ay ku jiraa.

Previous Post

Guddiga Joogtada ee Aqalka Sare oo Safar Shaqo u Aaday Dalka Kenya.

Next Post

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo toogasho ku fulisay askari ka tirsan dowladda

Next Post
Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo toogasho ku fulisay askari ka tirsan dowladda

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo toogasho ku fulisay askari ka tirsan dowladda

Wasiirka Warfaafinta oo soo xiray Madasha Labaad ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta

Wasiirka Warfaafinta oo soo xiray Madasha Labaad ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta

September 8, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud, ayaa maanta magaalada Muqdisho si rasmi ah ugu...

Taliyaha Guutada 21-aad qaybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor oo soo dhaweyn loo sameeyay

Taliyaha Guutada 21-aad qaybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor oo soo dhaweyn loo sameeyay

September 8, 2026
0

Munaasabad lagu qabtay magaalada Muqdisho ayaa soo dhaweyn diirran loogu sameeyay Taliyaha Guutada 21-aad qaybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor Gaashaanle...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Wakiilka Hay’adda FAO ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Wakiilka Hay’adda FAO ee Soomaaliya

September 8, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, oo ay wehliyaaan Wasiirada Gargaarka iyo Haweenka Koonfur Galbeed, ayaa...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo soo xiray Shirweynaha Madasha Qaran ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta

Wasiirka Warfaafinta XFS oo soo xiray Shirweynaha Madasha Qaran ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta

September 8, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa gelinkii dambe ee maanta soo xiray Shirweynaha Madasha Qaran...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In