Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa ka hadlay dilka Horjooge sare Cabdulaahi Nadiir oo argagixisada u ahaa Madaxa Dacwada ee Kooxda Al- shabaab Hawlgal qorsheysan oo ay iska kaashadeen Ciidammada Qaranka iyo saaxiibadooda caalamiga ah ayaa lagu dilay mid ka mid ah horjoogeyaasha ugu sareeya argagixisada.
Hawlgalkaan ayaa ka dhacay deegaanka Xaramka ee Gobalka Jubbada Dhexe
Wasiirka Gaashaandhigga ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa fecbooka ku yiri:-
“Waa loo aarayaa shuhadadeena inshalah
Dilka Cabdulaahi Nadiir oo ahaa madaxii hore ee dacwada hadana ahaa madaxa Jabahaadka iyo iskuduwaha dhamaan howlaha khawaarijta wuxuu bilow u yahay in loo aaro shuhadada uu ugu horeeyo Farxaan Maxamuud Aadan, Cilmi Hagar Guure iyo dhamaan Shuhadada Soomaaliyeed ee ku maqan gacmaha Khawaarijta”