RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Gaashaandhigga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiir-ku-xigeenka Safaaradda Boqortooyada Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya, ahna Ku-simaha Safiirka, Danjire, Sam Thomas.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka laba-geesoodka ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Boqortooyada Ingiriiska, gaar ahaan iskaashiga dhinacyada difaaca, tababarada, iyo wada-shaqeynta la dagaallanka argagixisada.












