Wednesday, October 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Gaashaandigga XFS oo Muqdisho ka sagootiyay wafdi hordhac u ahaa ciidamada Masar ee loo soo dirayo Soomaaliya

Shamis Hassan Harun by Shamis Hassan Harun
1 year ago
in Wararka
0
Wasiirka Gaashaandigga XFS oo Muqdisho ka sagootiyay wafdi hordhac u ahaa ciidamada Masar ee loo soo dirayo Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

RADIO MUQDISHO: Wasiirka Gaashaandhigga, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta kulan sagootin ah la yeeshay wafdi hordhac u ahaa Ciidanka Qalabka Sida ee Masar oo booqasho shaqo ku joogay Soomaaliya maalmihii u dambeeyay.

Booqashadan ayaa ahayd tallaabo diyaar-garow ah oo ku aaddan imaatinka ciidamada Masar ee lagu soo biirinayo Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasillinta Soomaaliya (AUSSOM). Ciidamadan ayaa la filayaa in ay door weyn ka qaataan dadaallada socda ee lagu xoojinayo amniga iyo lagu gaarayo xasillooni.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026

Wasiir Fiqi waxa uu uga mahadceliyey Jamhuuriyadda Carabta ee Masar taageerada joogtada ah ee ay siiso shacabka iyo dowladda Soomaaliya. Waxa uu hoosta ka xarriiqay in ka qaybgalka Masar ee AUSSOM uu door muhiim ah ka ciyaari doono la dagaallanka argagixisada, horumarinta nabadda Soomaaliya, iyo kor u qaadidda xasilloonida guud ahaan gobolka.

Intii ay ku sugnaayeen Soomaaliya muddo toddobaad ah, saraakiisha Masar waxay booqdeen dhowr goobood oo ay ka mid yihiin Jowhar, Balcad, Mahaday, Buurane, iyo saldhigga Balli-doogle, meelahaas oo kamid noqon doona goobaha ay sida gaarka u sugi doonaan amnigooda ciidamada Masar.

   

Previous Post

Madaxweynaha JFS oo ka qeyb galay xafladda Furitaanka Sannad Dugsiyeedka 2026-ka

Next Post

Madaxweynaha dalka Suuriya oo waraaqaha aqoonsiga safiirnimo ka guddoomay Safiirka cusub ee Soomaaliya

Next Post
Madaxweynaha dalka Suuriya oo waraaqaha aqoonsiga safiirnimo ka guddoomay Safiirka cusub ee Soomaaliya

Madaxweynaha dalka Suuriya oo waraaqaha aqoonsiga safiirnimo ka guddoomay Safiirka cusub ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa la kulmay Ms. Åsa Regnér oo...

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Madasha 7-aad ee...

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

October 26, 2026
0

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta si rasmi ah u...

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

October 26, 2026
0

Dable Xoogga Abuukar Maxamuud Yuusuf ayaa Lagu Eedeyay inuu geeystay Dhac hubeysan iyo Turufo, Kadib markii uu ku dayey saaxiibkiis...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In