Sunday, March 15, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

“Dhageyso” Wasiirka Garsoorka Hirshabeelle oo ka hadlay kormeer uu ku sameeyay xabsiyada maamulkaasi

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
“Dhageyso” Wasiirka Garsoorka Hirshabeelle oo ka hadlay kormeer uu ku sameeyay xabsiyada maamulkaasi
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Garsoorka iyo Diinta ee dowlad goboleedka Hirshabeelle Mudane Cabdiqaadir Cismaan Cabdisalaan Kheyraat ayaa sheegay inay muhiimtahay in loo gurmado maxaabiista ku xiran xabsiyada Hirshabeelle oo ay ka jirto xaalado adag oo xagga nolosha ah.

Wasiir Kheyraat oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in dhawaan uu socdaal shaqo ku tegay xabsiyada ku yaalla magaalooyinka Beladweyne iyo Jowhar, kaasi oo u jeedkiisu ahaa u kuurgelidda xaaladaha ay ku suganyihiin maxaabiista halkasi ku xiran, waxaana uu intaa ku daray in xabsiyada aysan helin wax dib u dayactir ah, loona baahanyahay in iminka ay ku sameeyaan dib u habeyn balaaran.

Related posts

Akhriso:Qaar kamid ah waxqabadyadii Baarlamaanka 11-aad ee Aqalka Sare

Akhriso:Qaar kamid ah waxqabadyadii Baarlamaanka 11-aad ee Aqalka Sare

March 15, 2026
Akhriso Afarta degmo ee isugu soo hartay tartanka

Akhriso Afarta degmo ee isugu soo hartay tartanka

March 15, 2026

“Qolal yar oo ay ku xiranyihiin 25 qof ayaan soo arkay, ma heystaan daryeel caafimaad, maxbuuska haddii uu xanuunsado ma lahan gaadiid lagu geeyo xarumaha caafimaadka, marka waxaan codsaneynaa in gacan nalagu siiyo sidii dib u dhis aan ku sameyn lahayn”ayuu yiri Mudane Cabdiqaadir

Wasiirka Garsoorka iyo Diinta ee dowlad goboleedka Hirshabeelle Mudane Cabdiqaadir Cismaan Cabdisalaan Kheyraat ayaa xusay inay qorsheynayaan sidii maxaabiista loogu heli lahaa adeegyada ay u baahanyihiin, haddii ay ahaan lahayd in la baro farsamada gacanta iyo waxyaabo kale.

Ugu dambeyntii Wasiirka Garsoorka iyo Diinta ee dowlad goboleedka Hirshabeelle Mudane Cabdiqaadir Cismaan Cabdisalaan Kheyraat ayaa hoosta ka xariiqay in Wasaaraddu ay xoogga saareyso sidii bulshada cadaalad loogu adeegi lahaa.

Halkan ka dhageyso Wareysiga Wasiirka

http://www.radiomuqdisho.so/wp-content/uploads/2017/04/Wasiirka-garsoorka-iyo-dinta-ee-hirshabeelle.mp3
Previous Post

U qaabilsanaha dib u dhiska ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed ee Puntland oo ka hadlay ciidamo tababar loo furayo.

Next Post

Ra’isul Wasaare Ku xigeenka Dalka iyo Taliyayaasha Ciidamadda oo ka qeyb galay Xafladda Xilwareejinta Wasaarada Amniga.

Next Post

Ra'isul Wasaare Ku xigeenka Dalka iyo Taliyayaasha Ciidamadda oo ka qeyb galay Xafladda Xilwareejinta Wasaarada Amniga.

Akhriso:Qaar kamid ah waxqabadyadii Baarlamaanka 11-aad ee Aqalka Sare

Akhriso:Qaar kamid ah waxqabadyadii Baarlamaanka 11-aad ee Aqalka Sare

March 15, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Aqalka Sare ee Baarlamaanka ee 11-aad ayaa muddadii uu shaqeynayay ku guuleystay fulinta waajibaadyo muhiim ah oo kaalin muuqda...

Akhriso Afarta degmo ee isugu soo hartay tartanka

Akhriso Afarta degmo ee isugu soo hartay tartanka

March 15, 2026
0

Akhristayaasheena sharafta leh waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa isku aadka wareegga  Afar dhamaadka ee tartanka oo ay isugu soo hareen...

Tartamayaasha Hodan oo caawa u gudbay wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Hodan oo caawa u gudbay wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

March 15, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo afur sharafeed ku maamuusay Safiirka Qatar

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo afur sharafeed ku maamuusay Safiirka Qatar

March 14, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa casuumaad afur-sharafeed ah ku maamuusay Danjiraha Dowladda aan walaalaha nahay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In