Wasiirka wasaaradda haweenka iyo horumarinta xuquuqul Insaanka xukuumadda Federaalka Soomaaliya marwo Sahro Maxamed Cali Samar oo uu wehliyay Danjiraha dowladda Jabuuti u fadhiya Soomaaliya Dayib Dubbad Rooble ayaa maanta booqday xarunta xannaanada gabdhaha agoonta Boondheere ee magaalada Muqdisho.
Maamulaha xarunta xannaanada gabdhaha agoonta Boondheere marwo Nuurto Maxamed Caddoow ayaa xarunta ku soo dhaweysay wasiirka haweenka oo uu la socday danjiraha dowlada Jabuuti u fadhiya Soomaaliya iyo gudoomiyaha ururka haweenka gobolka Banaadir marwo Jawaahir Baarqab.
Wasiirka iyo Danjiraha ayaa ku soo wareegay qeybaha ay ka koobantahay xarunta xannaanada agoonta gabdhaha Boondheere, iyagoo u kuurgalay xaaladda nololeed iyo tan waxbarasho ee agoonta ku jirta xaruntaasi.
Maamulaha xaruntaasi marwo Nuurto Maxamed Caddoow ayaa warbixin buuxda ka siisay mas’uuliyiinta xaaladda caruurta agoonta ah ee ku jirta xarunta, marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay iyo baahida xarunta, waxeyna uga mahadcelisay mas’uuliyiinta booqashadooda xarunta.
Wasiirka haweenka iyo xuquuqul Insaanka Sahro Maxamed Cali Samatar ayaa ku amaantay maamulaha xaruntaasi marwo Nuurto daryeelka wanaagsan oo ay u sameysay caruurta agoonta ah. iyadoo ballan qaadday in wasaaradeedu wax badan ka qaban doonto baahida xarunta.
Xarunta xannaanada agoonta gabdhaha Boondheere ayaa waxa ku jira boqollaal gabdho aqoon ah, kuwaasoo xarunta ka hela waxbarasho, jiif. Cunto iyo daryeello kala duwan.