Wednesday, August 13, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Howlaha Guud oo Jordan uga qeybgalay shirka 4aad ee Wasiirada Howlaha Guud ee Dalalka Jaamacadda Carabta

Mulki Abdirahim Hassan by Mulki Abdirahim Hassan
December 19, 2021
in Wararka
0
Wasiirka Howlaha Guud oo Jordan uga qeybgalay shirka 4aad ee Wasiirada Howlaha Guud ee Dalalka Jaamacadda Carabta
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Howlaha Guud, Dib u dhiska iyo Guryeenta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen ayaa Dalka Jordan uga qeyb galaya Kalfadhiga afaraad ee Madasha Wasiirada Carabta ee Guriyeynta iyo Horumarinta Magaalooyinka, (AMFHUD) oo ka furmay caasimadda Jordan ee Cammaan.

Kal-fadhi oo socon doona muddo saddex maalmood ah, ayaa waxaa looga doodi doona arrimo badan oo kamidyihiin xoojinta iskaashiga wadajirka ah ee Carabta ee dhinaca guryeynta iyo horumarinta magaalooyinka, iyo xoojinta iskaashiga hay’adaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah oo ay ku jirto Barnaamijka Dejinta Aadanaha ee Qaramada Midoobay.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Degmada Warta Nabadda iska diiwaangeliyay

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Degmada Warta Nabadda iska diiwaangeliyay

August 12, 2025
Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka oo xariga ka jaray dhismaha Cusub ee Taliska Gorgor.

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka oo xariga ka jaray dhismaha Cusub ee Taliska Gorgor.

August 12, 2025

Wasiirka Howlaha Guud, Dib u dhiska iyo Guryeenta ee XFS Mudane Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen oo khudbad dhinacyo badan taabaneysay ka jeediyay shirka ayaa waxa uu Faah-faahiyay shaqooyinkii ugu dambeeyay ee ay wasaaradda ka qabatay dib u dhiska dalka, wuxuuna carabka ku dhuftay in mudooyinkii dambe uu dib u dhiska dalka sameeynayo kubac fiican, isagoo tilmaamay in Muwadiniinta Soomaaliyeed ay si is-daba jooga u wadaan dib dhiska dalka, Wuxuuna xusay inay ka Dowlad ahaan dadaal ugu jiraan sidii dhismayaal casri ah dalka looga hergalin lahaa, si Muwaadiniinta Soomaaliyeed ay u helaan adeegyada Asaasiga ah.

Dhinaca kale Wasiir Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen ayaa tilmaamay in dowladda Soomaaliya oo kaashaneysa Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan shaqaalaha Dowladda ay fuliyeen Olalah is Xilqaan dalkaaga ku dhiso kaasi oo Dib loogu dhisay xaruumo kala duwan oo taariikh fog ku leh dalka.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa dhinaca kale xusay in dowladda Soomaaliya ay dadaal ugu jirto sidii ay xal ugu heli laheyd barakacayaasha loona yareeyn lahaa fiditaanka xeryaha ay ku noolyihiin Barakacayaasha.

Ugu dabeyntii Wasiirka Howlaha Guud, Dib u dhiska iyo Guryeenta ee XFS Mudane Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen ayaa u mahadceliayay dalalka ku mideysan Jaamacadda Carabta ee ka soo qeybgalay shirweynahan iyo Bankiga Horumarinta Islaamka oo ku amaanay doorkiisa ku aadan maalgelinta mashaariicda kala duwan ee lagu horumarinayo dalalka Jaamacadda Carabta oo ay Soomaaliya xubin fir fircoon ka tahay.

“waxaan Madashan uga codsanayaa dalalka Carabta ee walaalaha ah inay gacan ka geystaan dib u dhiska dalka Soomaaliya, iyagoo maalgelinaya Barnaamijyada waaweyn ee lagu dhisayo kaabayaasha dhaqaalaha, xarumaha adeegga dadweynaha iyo Xarumaha adeegyada dawladda, kuwaas oo gacan ka geysan doona dib-u-soo-nooleynta iyo horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya” Ayuu Yiri Wasiirka Howlaha Guud iyo Dib-U dhiska Soomaaliya Mudane Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen.

Previous Post

Doorashada afar kursi oo golaha shacabka ah oo maanta lagu qabtay Muqdisho

Next Post

Elections for four members of parliament held in Mogadishu

Next Post
Elections for four members of parliament held in Mogadishu

Elections for four members of parliament held in Mogadishu

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Degmada Warta Nabadda iska diiwaangeliyay

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Degmada Warta Nabadda iska diiwaangeliyay

August 12, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta isaka diiwaan-geliyey goobta diiwaan-gelinta codbixiyayaasha ee Degmada Warta-Nabadda ayaa ku...

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka oo xariga ka jaray dhismaha Cusub ee Taliska Gorgor.

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka oo xariga ka jaray dhismaha Cusub ee Taliska Gorgor.

August 12, 2025
0

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka, Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar “Jeneraal Khaalid,” ayaa maanta si rasmi ah xarigga uga jaray...

RW ku-xigeenka dalka “Amni darradu waa dabarka ku xiran horumarka da’yarta Soomaaliyeed.”

RW ku-xigeenka dalka “Amni darradu waa dabarka ku xiran horumarka da’yarta Soomaaliyeed.”

August 12, 2025
0

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, oo maanta qeyb galay xuska Maalinta Dhallinyarada Adduunka oo sanad...

Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray waddooyin muhiim ah

Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray waddooyin muhiim ah

August 12, 2025
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa xarigga ka jaray afar waddo oo laami...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In